13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Haweenka Nadaafadda ka wada Gobolka Banaadir oo sheegay in ay shaqo joojin sameynayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 04, 2007(HOL):  Haweenka Gobolka Banaadir u qaabilsan dhinaca nadaafadda ayaa waxay sheegeen in ay joojinayaan howshii nadaafadda ahaa ee ay horay u wadeen.

 

Haweenkan ayaa sheegay in ay go’aanka shaqo joojinta ah qaateen kadib markii haween ka tirsanaa oo howlo nadaafadeed ka waday qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho waxyaabo qarxa loo aasay, iyadoo halkaasi ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

 

7 Haween ah oo howlo Nadaafadeed ka waday Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-wadaag iyo Bakaaraha ayaa geeriyooday tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii meel ay qashin ka gurayeen loo geliyay waxaabo qarxa, iyadoo ay xusid mudan tahay in haweenkaas geeriyooday qaarkood ay ahaayeen kuwo heystay Caruur Agoon ah oo uu Aabahood horay u geeriyooday.

 

Batuulo Isaaq oo ka mid ah Haweenka Nadaafadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in aysan u qorsheysneyn in ay sii wadaan howshii Nadaafadda ahayd, bacdamaa sida ay tiri ay dhibaato uga imaan karto, iyadoo caddeysay in ay jeclaayeen in ay bilicda magaalada soo saaraan, balse ay naftooda u cabsadeen kadib markii ay dhimasho iyo dhaawac soo gaareen Haween howshooda oo kale hayay.

 

Batuulo waxay sheegtay in howsha ay hayeen ay ahayd mid aaney waxba ku heysan marka laga reebo in ay ballanqaadyo u sameeyeen mas’uuliyiinta Degmooyinka ay ka tirsan yihiin, kuwaasi oo u sheegay in ay heli doonaan xuquuqdooda.

 

Haweenka Nadaafadda Gobolka Banaadir ayaa tan iyo intii ay howshooda nadaafadda ah bilaabeen waxay dib u soo celiyeen bilicda Waddooyinka Laamiga ah  ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo horay u ahaa kuwo qashin iyo carro ay dabooleen oo xitaa aan meelaha qaarkood la kala garan karin Jid Carriga iyo Wadada Laamiga ah.

 

Maxkamadihii Islaamka ee mudada Lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa intii ay jireen waxay Magaalada Muqdisho ka fuliyeen howlo nadaafadeed, inkastoo ay meesha ka baxeen iyadoo aaney dhamaanin howshii nadaafadda ahayd ee ay wadeen.

 

Sidoo kalena, Hay’adda SAACID oo taageero ka heleysay Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) ayaa iyadana waxay ka fulisay magaalada Muqdisho howlo Nadaafadeed, iyadoo Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ka qaaday qashin tiro badnaa oo sidii la isu dul-saarayay buuro noqday.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho oo ay ka socotay howsha Nadaafadda ah ee Qashinka iyo Carrada looga gurayay ayaa waxay tahay mid u baahan dib u dhis, waxaana meelihii carrada iyo qashinka laga qaaday ee waddooyinka dhexdooda ahaa ka soo baxay godad isugu jira kuwo ay sameeyeen Roobabka iyo kuwo ka dhashay Madaafiicdii Dagaallka oo qaarkood ay Waddooyinka ku dhacayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).