13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay sababta ay Dalalka Afrika Ciidamada ugu diri la’ yihiin Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 04, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka qeybgalay kulankii Madaxda Afrika ay ku yeesheen Magaalada Accra ee dalka Ghana ayaa ka hadlay sababaha hortaagan in ay dalalka Midowga Afrika Soomaaliya u diraan Ciidamadii ay horay ugu ballanqaadeen.

 

Sababtaas ayuu sheegay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay tahay iyadoo aaney Dalalka Afrika heynin dhaqaalihii ay Ciidamadooda ku geyn lahaayeen Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka sugayeen Beesha Caalamka, wuxuuna beeniyay Ra’iisal Wasaaruhu in dib u dhaca Ciidamadaas ay sabab u tahay qalalaasaha maalin kasta ka taagan Magaalada Muqdisho iyo meelo kale iyo weliba shan Askari oo Ciidamada Uganda Muqdisho looga dilay.

 

“Ma jirto khatar Ciidamada Midowga Afrika ay kala kulmayaan Soomaaliya, sidoo kalena ma jirto Khatar heysata Ciidamada Uganda, waxayna Dadka Soomaaliyeed soo dhaweeyeen Ciidamada Midowga Afrika”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo ku cel celiyay in waxa dib u dhigaya keenista Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ay tahay taageeradii dhinaca Dhaqaalaha iyo Logistic-kada ee laga sugayay Beesha Caalamka oo aan la helin.

 

Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo tiradoodu gaareyso 1,500 oo Askari oo qeyb ka ah 8,000 oo Askari oo ay Dalalka Midowga Afrika u ballanqaadeen Soomaalaiya ayaa haatan ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dalalka Nigeria, Ghana iyo Malawi oo la sugayay in ay ku soo xigsadaan Ciidamada Uganda aaney ilaa iyo hadda Ciidamo u dirin Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo loo jeediyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan in aaney Dowladdu dooneynin in ay dib u heshiisiin la sameyso wakiillada Qabaa’illada Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda.

 

Prof.Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in aysan Soomaaliya ka jirin isku dhacyadii Qabaa’illada ku saleysnaa, balse sida uu yiri ay jiraan dhibaatooyin ay wadaan kooxo argagixiso ah, kuwaasi oo ay dagaal kula jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mar uu ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu shirkaasi qabsoomayo, isla markaana ay ka qeybgeli doonaan Qabaa’illada iyo Juffooyinka Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka imaanaya, kuwaasi oo ay soo xulanayaan Beelahooda, isagoo caddeeyay in shirkaasi uu yahay mid uu hoggaanka u hayo Guddi madax banaan.

 

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu u rajeeyay Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed guul, sidoo kalena Dadka Soomaaliyeed ayuu u rajeeyay Nabad iyo Horumar.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).