12 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo la gaarsiiyay Qalab lagu baaro Miinooyinka

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado,
July 31, 2007(HOL): Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay qalab lagu baaro miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.

 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in qalab 15 nooc ah oo miinooyinka lagu baaro uu ka soo gaaray Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino-baarista.

 

Qalabkan ayuu sheegay Captain Paddy Ankunda in uu wax weyn ka tari doono sidii ay ugu guuleysan lahaayeen howlaha miino-baarista iyo weliba sidii loo yareyn lahaa waxyeellada ay geystaan Miinooyinka ku aasan Magaalada Muqdisho.

 

Saraakiisha Ciidamadii Soomaaliya ee takhasuska u leh Miinooyinka iyo waxyaabaha Qarxa ayaa waxay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho u jeediyaan baaqyo ku saabsan in ay ka fogaadaan meelaha loo maleynayo in xiliyadii dagaallada sokeeye Miinooyin lagu aasay, sidoo kalena caruurta laga fogeeyo meelaha ay yaallaan waxyaabaha qarxa.

 

16-kii May ee aynu ka soo gudubnay ayaa gaari ay saarnaayeen Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga oo marayay agagaarka Hotelkii Curuba waxaa ku qaraxday Miino Wadada dhinaceeda loo geliyay, iyadoo halkaasina ay ku dhinteen afar Askari oo saarnaa Gaarigii ay Miinada ku qaraxday, halka ay dhaawacmeen shan Askari oo kale.

 

Ugu dambeyntiina, Qalabkan Miino-baarista ah ee la soo gaarsiiyay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo kooxo wax iska caabin ah oo ka soo horjeeda Dowaldda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ay Miinooyin ku aasaan Waddooyinka hareerahooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in Gaadiid ay wateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ay dhowr jeer ku qaraxday Miino Wadada loo geliyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).