Talaado,
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin hadal uu dhawaan sheegay Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed), kaasi oo ahaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu soo magacawday Guddoomiyenimada Gobolka, wuxuuna sheegay in aysan jirin wargelin dhinaca Dowladda Federaalka uga timid oo ku saabsan in xilkii Guddoomiyenimada Gobolka laga qaaday.
“Guddoomiyaha saxda ah ee Gobolka Hiiraan aniga ayaa ah, waxna
Xuseen Muxumed Maalin wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyin nabadgelyo darro oo maalmahan ka taagan magaalada Beledweyne ay xiriir la leedahay sida uu yiri sheegashada Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan ee Yuusuf Daba-geed, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulkiisa uu ku howlan yahay sidii wax uga qaban lahaa nabadgelyo-darrada jirta.
Xuseen Muxumed Maalin waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay tallaabo ka qaadi doonaan dad uu sheegay in ay gudaha Magaalda Beledweyne ka wadaan falal nabadgelyo darro ah, isagoo dadka Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay ammaankooda sugi doonto.
Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe iyo xalay ay xaaladda magaalada Beledweyne ahayd mid aad u kacsan kadib markii xaafado ka tirsan magaaladaas ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Deegaanka Janta-Kuundisho ay Madaafiic ku garaaceen, iyadoo madaafiicdaasna ay sababeen dhimashada afar ruux iyo dhaawaca seddex ruux oo kale.
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saakay waxay gudaha u soo galeen magaalada Beledweyne, iyagoo halkaasina baaris ka sameeyay, isla markaana kaxeystay rag ganacsato ah oo magaalada si weyn looga yaqaanay, kuwaasi oo aan la ogeyn meel ay la aadeen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Gobolka Hiraan ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa guddoomiyenimada gobolkaas soo qabtay Alle ha u naxariistee Xasan Cabdulle Qalaad, Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) iyo Xuseen Muxumed Maalin oo uu maamulkiisa weli ka taliyo Gobolka Hiiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






