12 C
London
Monday, November 10, 2025

6 Dhalinyaro ah oo ku dhaawacantay Studio ay ku jireen oo lagu gubay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 31, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gubeen Studio Cajalada Maqalka iyo muuqaalka ah lagu kireeyo, laguna iibiyo, kaasi oo ku yaala Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Ilaa 6 dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kadib markii ay kooxdii hubeysneyd ay dab qabadsiisay Studiyaha, isla markaana albaabka Studiyaha kala istaageen Bastoolado ay wateen.

 

Daqiiqado kadib markii uu Studiyihii gubasho bilaabay ayay kooxdii hubeysneyd halkaas isaga tagtay, iyadoo kadibna halkaas laga soo saaray dhalinyaradii oo qaarkood ay suuxeen markii uu naqaska ku xirmay.

 

Dadka degan nawaaxiga halka uu Studiyaha ku yaalo ayaa sheegay in intii aan la gubin Studiyaha ay kooxda hubeysan u tageen dhalinyaradi joogtay, kadibna ay yiraahdeen “ma dhaafeysaan waxyaabaha aad ku guda-jirtaan”, iyadoo dhalinyaradii oo cabsatayna ay yiraahdeen “waan dhaafeynaa”. Laakin wada hadalkaas kadib ayaa waxaa dhacday in uu goobtii tegay Nin ordayayay oo watay Caag Basiin uu ku jiray, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Studiyaha gubtay, dabadeedna basiinkii ayuu ku shubay Studiyaha, wuuna gubay, waa sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeene.

 

Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta ay kooxdaas hubeysan u bartilmaameedsatay Studiyaha, marka laga reebo in ay ka xumaayeen ganacsiga ay dhalinyaradaas ku hayeen goobtaas.

 

Falkaas waxaa si weyn uga xumaaday dadka ku dhaqan Muqdisho, gaar ahaan kuwa degan halka uu falka ka dhacay, waxayna sheegeen in falkaas uu ahaa mid ka dhan ah Bani’aadannimada.

 

Ugu dambeyntiiba, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa ka dhacayay dhacyooyin curato cusub ah oo ka dhan ah Bani’aadannimada, kuwaasi oo loo geystay Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).