11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Fannaaniinta Wacyigelineysa Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta oo ka cabanaya Guddiga Shirkaas maamulaya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, July 30, 2007HOL): Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku howlan wacyigelinta Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib  u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxay cabasho weyn ka muujiyeen gunno la’aan la soo deristay muddo laba bilood ah oo ay ka soo shaqeynayeen arrimaha taaba-gelinta Shirka  Dib u heshiinta Qaran, iyagoo sheegay in lacago loo ballanqaaday aan weli la siinin.

 

Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inaysan jirin wax lacago ah oo la siiyay, tan iyo intii ay howsha  Faneed  u hayeen shirka Qaran, iyadoo Guddiga Shirka ay ku eedeeyeen inuu u ballanqaaday lacago, balse aysan jirin wax Lacag ah oo la siiyay.

 

“Guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran waxay noo sheegeen inay lacag gaaraysa 50 Dollar fannaaniinkiiba siinayaan, waxaana mar dambe na soo gaartay in lacagta laga dhigay 20 Dollar oo aanan iyadoo xitaa faro ku heynin, taasi maxay ku dhacday” ayuu yiri Maxamed Aadan Shamuuri oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee ka cabanaya dhaqaale la’aanta la soo deristay.

 

Fanaaniinta waxay sheegayaan in gudiga shirka Qaran ay u gudbiyeen cabashadooda basle aysan jirin cid u soo jawaabtay, waxayna sheegeen in ay ka cabsi qabaan  in  ay xitaa waayaan 20-ka Dollar ee loo sheegay in loo hayo.

 

“Waxaan howlaha fanka ee aan shirka ka jeedinay billownay muddo 2-bilood ah ka hor, mana jirto wax lacag ah oo la siiyay intii ay howshaas wadeen, waxaana ka codsanaynaa guddiga shirka Qaran oo uu ugu horreeyo Cali Mahdi in lacagtaas ay noo fududeeyaan” ayuu yiri Shamuuri.

 

Fannaaniinta ayaa waxay cabshadooda ku saabsan tahay gunno la’aan soo wajahday, mana jiro ilaa iyo haatan wax hadal ah oo ku saabsan arrintaan oo ka soo baxay guddiga shirka Qaran oo ay uga jawaabayaan cabashada ka timid Fannaaniinta howsha Wacyigelinta iyo Madadaallada u ah Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntiina Fannaaniintan cabaneysa ayaa waxay ku qoran yihiin Madasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed maalin kasta oo Khamiis ah, iyagoo halkaas ka dhigaya Ruwaayado wacyigelin ah oo ay ugu talagaleen Ergooyinka iyo weliba Heeso ka hadlaya dhibaatada dalka ka dhacday iyo sida xal loogu heli karo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).