
Isniin, July 30, 2007HOL): Xarunta Ururka Badbaadinta Haweenka iyo Caruurta Soomaaliyeed (S.S.W.C) ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo gebagebeeyay Shir muddo seddex maalmood ah socday oo ay Haween Soomaaliyeed uga doodayeen Xaaladda uu ku sugan yahay Dalka Soomaaliya, doorka haweenka ee aadan xal u helidda mushkiladaha ka jira dalka iyo weliba sidii loo dhowri lahaa Xuquuqda Haweenka ay leeyihiin.
Haweenkan oo tiradoodu gaareysay 50 Haween ah, isla markaana ka kala socday qeybaha Siyaasadda, Ganacsatada NGO-yada gudaha, Taaba-gelinta Nabadda, iyo Naafada Gobolka Banaadir ayaa waxay shirkooda uga doodeen sidii haweenka ay u heli lahaayeen xuquuqda ka maqan.
Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka S.S.W.C ayay haweenka ka qeybqaadanay uga doodeen doorka ay Haweenka ka qaadan karaan Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, kaalinka ay haweenka ku leeyihiin shirkaas iyo sida loo joogteyn karo guulaha ay haweenka gaaraan, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha go’aan ka gaarista siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada Dalka.
Sahro Cumar Maalin oo ah gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Isku Xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA ayaa ka mid ahayd haweenkii shirkaas ka hadlay, waxayna sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed uu ka maqan yahay xaq ay u lahaayeen in ay ka qeybgalaan Hay’adaha Dowladda sida Sharci-dejinta, Fulinta, Garsoorka iyo weliba maamulka Gobolka Banaadir oo aaney mas’uuliyiintiisa ku jirin Haween.
Haweenka ka qeybgalay shirkan waxaa kale oo ay sheegeen in hoggaanka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uusan ka muuqan kaalinka Haweenka, waxayna taasi ku tilmaameen in ay tahay mid xuquuqda Haweenka hoos loogu dhigayo.
Intii ay socotay Dooddii ay haweenkan ka yeesheen Xuquuqda ka maqan iyo Doorkooda ku aadan Dib-u-heshiisiinta iyo go’aan ka gaarista Siyaasadda Dalka ayaa waxaa la soo jeediyay in Haweenka yeeshaan Midow, Xarun iyo Xafiis ay ku kulmaan, si ay iska war-qab joogto ah u yeesheen.
Haweenkii Shirkan ka qeybgalay ee hadallada jeediyay waxaa ka mid ahaa Maryan Xuseen Maxamed Awreeye, Sahra Cumar Maalin, Hinda Axmed Faarax, Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal, Caasho Shaacuur Ugaas, Dowlaay Aadan iyo kuwo kale, waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen in xuquuqda Haweenka ay tahay lama taabtaan, iyagoo caddeeyay in ay maskaxdooda isugu geynayaan sidii ay wada-jir ugu difaaci lahaayeen Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.
Ugu damebyntiina, Maryan Axmed Hilowle oo ku hadleysay Magaca ka qeybgalayaasha ayaa waxay gunaanadkii shirka ka aqrisay baaq ay soo saareen Haweenkii Shirka isugu yimid, kaasi oo qodobadiisa ay ka mid ahaayeen:
In Haweenka Midoobaan, Xuquuqdooda maqan ee aas-aasiga ahna ku raadsadaan si nabdoon, xuquuqdaas oo ah Waxbarashada, Caafimaadka iyo qeybaha Siyaasada sida Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Garsoorka.
In Haweenka ka qeybqaataan dib-uheshiisiin kasta, kana hadlaan qeybtooda, gaar ahaan Guddiyada Dastuurka, Dib-uheshiisiinta iyo Doorashada.
In haweenku helo xubno Shir walba oo dib-uheshiisiineed 30%
In Hay’adaha Caalamiga & deeq bixiyaasha taageeraan baaqaan iyo baaqii bajiin
In sharuud la’aan u wada hadlaan dhamaan Qeybaha isaga soo horjeeda Dhinacyada Siyaasadda isuguna tanaasulaan si Shacabka Soomaaliyeed u badbaadaan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






