Isniin, July 30, 2007HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa magaalada Baydhabo waxaa uu ka wadaa kulamo uu la leeyahay Xildhibaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay xukuumaddiisa taageersan yihiin, halka kuwo kalena ay si weyn uga soo horjeedaan.
Ra’iisal Wasaare Geeddi oo magaalada Baydhabo gaaray shalay gelinkii dambe ayaa wuxuu kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan mooshinka ay Xildhibaanada hor-geeyeen Baarlamaanka.
Kulamada uu Ra’iisal Wasaaraha la qaadanayo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay yihiin kuwo uu ku doonayo in uu Xildhibaanada kalsooni uga helo, iyadoo horayna magaalada Baydhabo ay u sii joogeen Xildhibaano difaacayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa markii uu ka dhoofayay magaalada Muqdisho ee uu ku sii jeeday Magaalada Addis Ababa waxaa uu dhaliilay qaabka ay Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood u doonayaan in lala xisaabtamo, wuxuuna arrin qalad ah ku tilmaamay in ay Xildhibaanada Idaacadaha kala hadlaan Xukuumaddiisa.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya ay mar kale dood ka yeeshaan mooshinka ku saabsan la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo kulankaasina uu ka qeybgeli doono Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dabcan jeedin doona hadal uu ku difaacayo Xukuumaddiisa.
Ugu dambeyntiina, Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa dhowr jeer oo hore waxay ka badbaaaday mooshin ka dhan ahaa oo ay Baarlamaanka hor-geeyeen qaar ka mid Mudanayaasha Baarlamaanka, iyadoo markii ugu dambeysayna uu si dirqi ah uga baxsaday in kalsoonida lagala laabto Xukuumaddiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






