11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Seddex Xildhibaan oo laga joojiyay Fadhiyada Baarlamaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 30, 2007HOL): Xildhibaanada kala ah Axmed Cumar Jees, C/rashiid Aadan Gabyow iyo Axmed Xaashi C/llaahi ayaa laga joojiyay in ay ka qebgalaan kulamada Baarlamaanka muddo todobo fadhi ah.

 

Xildhibaannadan ayaa lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen anshaxa u degsan Baarlamaanka, isla markaana ay Baalamaanka dhexdiisa fowdo ka kiciyeen xili la doonayay in la dhaariyo Xildhibaan cusub oo ay beeshooda soo xulatay.

 

Amarka Xildhibaannadan shaqada looga joojiyay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka ay ka doodayaan mooshin ku saabsan in lala xisaabtamo Xukuumadda Federaalka, kaasi oo doodaha laga yeelanayo ay meel xasaasi ah mareyso.

 

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xildhibaanada laga joojiyay kulamada Baarlmaanka, kaasi oo ku saabsan sida ay u arkayaan amarka uga yimid Guddiga Dishibiliinka iyo Guddoonka Baarlmaanka.

 

Dhanka kalena Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka dhexdiisa ay ka jirto handadaad loo geysanayo Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana aysan si xor ah u dhiiban karin fikradahooda.

 

Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir ayaa sheegtay in mar ay ka hadleysay baarlamaanka hortiisa, isla markaana ay jeedineysay fikirkeeda ku aadan la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka uu u yimid mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana ugu hanjabay in uu dilayo haddii ay joojin weyso waxa ay waddo.

 

“Anigoo ah mudane Baarlamaan oo shacabka ka wakiil ah ayuu igu yiri Xildhibaankaas oo aanan rabin in aan magaciisa sheego Naayaa waa lagu ogyahay waxaa tahay Muqaawamo, waxaana bishii lacag ka qaadataa Asmara”ayay tiri Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu gaareyso 275 Mudane ayaa markoodii hore waxaa soo xulay Hoggaamiye Kooxeedyada iyo Hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaalida ee ka qeybgalay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya ka socday intii u dhaxeysay sanadihii 2002 ilaa 2004, waxayna ka kala yimaadeen Dowladdii TNG-da, SRRC, G8, Golihii Samatabixinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).