13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaraxyo maanta lala beegsaday Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 03, 2007(HOL): Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaa lala beegsaday Qarax Miino oo nooca  gacanta laga hago ahaa, inkastoo aysan Ciidamadaas wax dhibaato ah qaraxa ka soo gaarin.

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid iyaga loo dhigay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo, balse nasiib wanaag aysan wax khasaare ah ka soo gaarin.

 

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa horay Qarax loogu geystay agagaarka Hotelkii Curuba ee Magaalada Muqdisho waxaa uga dhintay afar Askari oo meydkooda loo qaaday Dalka Uganda, halka shan askari oo kalena ay ka dhaawacmeen.

 

Sidoo kalena Ciidamada AMISOM ayaa maalintii ay ka soo degayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa lagu soo dhaweeyay Madaafiic Hoobiyayaal ah, iyadoo maalintii ku xigtayna lagu weeraray Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada AMISOM oo xero ka sameystay Dugsigii Tababarka Xalane ayaa waxay ilaaliyaan Garoonka iyo Dekedda Muqdisho iyo sidoo kale Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyagoo mararka qaarkoodna howlo gurmad bani’aadannimo ah u sameeya Dadka Soomaaliyeed ee u baahan.

 

Dhanka kalena Gaari TOYOTA ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Miino loogu aasay inta u dhaxeysa Hotelka Kaah iyo Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid, walow qaraxaas oo uu ku dhaawacmay Nin Cows ku iibinayay nawaaxiga halka uu Qaraxa ka dhacay aan lala helin Ciidamadii loola dan lahaa.

 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay sii noqoneysaa mid uu sii xumaanayo ammaankeeda, iyadoo uu xaalkeeduna haatan taagan yahay in la bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo habeenkii xalay ahaa Deegaanka Suuqa Xoolaha lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Huriwaa Cusmaan Cali Maxamed, kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).