Talaado, July 03, 2007(HOL): Labo Markab oo waa weyn ayaa maalintii shalay ahayd waxaa ku soo xirteen Dekedda weyn ee, iyadoo soo xirashadoodana ay ku soo beegmeyso xiligii Bad-xiranka.
Labadan Markab ayaa mid ka mid ah waxaa uu Raashin Mucaawino ah u sidaa Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, halka midka kale oo Sokor wadana ay soo rarteen Ganacsato Soomaaliyeed.
Suuqyada Magaalada Muqdisho oo ay ku xiran yihiin Suuqyada kale ee Degmooyinka Dalka Soomaaliya ayaa maalmahaan waxaa ka jira sicir barar dhinaca maciishadda ah, iyadoo taasina la sheegayo in ay ugu wacan tahay xiliga Bad-Xiranka ah ee la galay.
Dhanka kalena, Ganacsatada soo degsada Badeecooyinka kala gedisan ee Bagaashka loo yaqaano ayaa waxay isticmaalaan Dekedda Boosaaso ee Gobolka W/Bari, iyadoo taasina ay ku sababeeyeen ganacsatada in Maraakiibta ay soo rartaan aysan macquul ula muuqan lacag canshuur ah oo looga qaado Dekedda Muqdisho, halka Maraakiibta Qaarkoodna ay ka baqayaan in ay af-duubtaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Koofurta Soomaaliya.
Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa waxaa dib u howlgeliyay Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo haatanna ay maamusho Dowladda Federaalka oo iyadoo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah awooddii kala wareegtay Maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






