13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Lacag Baad ah ka qaada Gaadiidka BL-ka ah ee isticmaala Wadada Wadnaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 03, 2007(HOL): Dawaraliinta kaxeysa Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Isgoyska Siinaay iyo KM4 iyo Sanca iyo Bakaaraha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lacag baad ah ka qaata.

 

Mid ka mid ah Darawaliinta kaxeysa gaadiidkaas oo diiday in uu magaciisa sheego sababo la xiriira dhinaca ammaankiisa ayaa wuxuu sheegay in ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Folorenza ay ka qaataan lacag aan sharci ahayn oo baad ah.

 

Darawalkan wuxuu intaas ku daray  in mar kasta oo ay Wadadaas maraan laga qaado lacag u dhaxeysa 5 ilaa 10 kun oo Shiilin Soomaali ah, taasi oo haddii aysan dhiibin aysan gaadiidka kaxeyneynin.

 

Ciidamada ku sugan Isgoyska Folorenza ee eedda laga sheeganayo oo ka tirsan Taliska Mileteriga Dowladda Federaalka ayaa waxay dhawaan isku dhaceen Ciidamo Booliska oo ku sugan Isgoyska Siinaay, kadib markii ay Ciidamada Booliska ku amreen Ciidamadaas in ay joojiyaan lacagta aan sharciga ahayn ee ay qaadayaan, waxaana iska hor-imaad dhexmaray ku dhimatay Haweeney rayid ahayd oo Suuqa Siinaay ka soo adeeganeysay.

 

Inkastoo aysan sharci ahayn lacagta ay Ciidamadaas qaadayaan ayaa hadana waxay kuu sheegayaan Darawallada qaarkood in ay u dhaanto lacag tiro badaneyd oo ay si xoog ah uga qaadan jireen Maleeshiyooyinkii Hoggaamiye Kooxeedyada oo Muqdisho ka talin jiray ka hor Maxkamadihii Islaamka, iyadoo ay dhici jirtay in ay Isgoysyada qaarkood ku dhiibataan lacag dhan 70,000 Sh. So

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd sharcigii iyo kala dambeyntii ka jiri jirtay Soomaaliya ayaa waxaa Ciidamo ahaan ugu qoran dhalinyaro qaarkood ahaan jiray Maleeshiyooyin Beeleedyo, kuwaasi oo aan si fiican loo soo barin Anshaxa iyo Hab dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay Askariga Dowladeed.

 

Ugu dambeyntiina, Darawaliinta kaxeysa Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeysa Wadada Wadnaha ayaa waxay ka codsanayaan Dowladda Federaalka, gaar ahaan Taliska ay Ciidamadaas ka tirsan yihiin in ay ka joojiyaan lacagta aan sharciga ahayn ee laga qaado.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).