13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Huriwaa oo xalay la dilay iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo arrintaas ka hadlay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 03, 2007(HOL): Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Huriwaa Marxuum Cusmaan Cali Maxamed, kaasi oo ay kooxo hubeysan toogteen xili uu ku sii jeeday gurigiisa.

 

Taliyaha Booliska Degmada Huriwaa Maxamed Cumar  ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilka marxuumka, isagoo carrabka ku dhuftay in ay heleen warbixin ku saabsan dad lagu tuhmayo dilka Guddoomiye ku xigeenka, taasi oo ay ku howlgelayaan.

 

Dilka gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa wuxuu yimid iyadoo horay Muqdisho loogu dilay Guddoomiyihii Degmadaas C/llaahi Shiikhoow Cali, sidoo kalane ilaa 7 jeer weerarro loo geystay Saldhigga Booliska Degmadaas.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilka loo geystay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Huriwaa ayaa wuxuu sheegay in ay si weyn uga naxeen dilka marxuumka oo ay ku tilmaameen in uu ahaa shakhsi howl-kar ah.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in u maamulka Gobolka Banaadir uu gacanta ku hayo qorshayaal lagu sugayo ammaanka mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo bartilmaameed u noqday kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Maxamed Muxyaddiin waxaa uu sheegay in la kordhin doono ilaalada mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, si looga hortago dhibaato uga timaada dhinaca kooxaha weerarrada ku haya.

 

Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-wadaag iyo Shibis ayaa horay Magaalada Muqdisho loogu dilay, iyadoo dilalkoodana ay ka dambeeyeen kooxo abaabulnaa oo bastoolado ku hubeysnaa.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa horay ugu baaqay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay Ciidamo ilaalo u noqda ka kaxeystaan Saldhigyada Degmooyinkooda, isagoo guddoomiyihii aan ilaalo wadanna u sheegay in uu mas’uul ka yahay wixii naftiisa oo gaara oo dhibaato ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ammaankeeda wuxuu yahay mid aan la isku haleyn karin, waxaana maalin iyo habeen kasta ka dhaca Qaraxyo iyo Dilal loo geysanayo Dad Rayid ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).