Axad,
Qaraxyadan ayaa waxay ka kala dhaceen agagaarka Busteejada laga raaco Baabuurta u kacda Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Nawaaxiga qeybta Safirka Doollarka ee u dhow Suuqa Cabdalla Shideeye, waxayna dhamaantood ahaayeen kuwo ka dhashay Bambo gacmeedyo lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo gudaha Suuqa ku sugnaa.
Labadaas Qarax ayaa mid ka mid ah waxaa loo geystay Ciidamo Boolis ah oo ilaalo ka hayay Katarabiil burburin ku hayay dhismayaal sharci darro ah oo gudaha Suuqa Bakaaraha horay looga dhisay, lamana oga in Dadka Bamka tuuray ay ahaayeen kuwo lahaa dhismayaasha la burburinayay iyo in ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda gebi ahaanba Ciidamada Dowladda Federaalka ee gudaha Suuqa ku sugan.
Qaraxyada Maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Suuqaas uu muddo labo todobaad ah ahaa mid xasiloon oo ka nastay qaraxyo xiriir ah oo muddo 18 maalmood ah ka socday, iyadoo deganaantaasna ay timid kadib markii ay mushkiladda Suuqa Bakaaraha ka wada hadleen Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo isla meel dhigay in Ciidamada Mileteriga iyo kiwa Gobolka Banaadir laga saaro Suuqa, kaliyana lagu reebo Ciidamada Booliska.
Sidoo kalena, Qaraxyadii maanta ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo Suuqa Bakaaraha ay ka socotay howl baaris ah oo ay wada-jir u sameynayeen Guddiga Amaanka Qaranka, Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Booliska, kuwaasi oo meeshii ay baaraanba ku dhejinayay Warqad caddeyneysa in la baaray.
Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa ka jira sicir barar ka dhashay Lacagaas been abuurka ah iyo Xiligii Bad-xiranka oo lagu jiro, waxaana sare u kacay qiimaha Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo weliba Badeecooyinka kale ee ay dadka u baahan yihiin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uu sare u kacay Sarifka Doollarka Mareykanka oohaatan Boqolkii Doollar lagu sarifo 1,900,000 Shillin Soomaali ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






