Axad,
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa sheegay in aysan jirin beelo Others la yiraahdo, wuxuuna xaqiijiyay in shirka dib u heshiisiinta kadib aanu magacaas jiri doonin.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa hadalkan jeediyay kadib markii ay maanta madasha shirka dib u heshiisiinta cabasho ka jeediyeen Beelaha Banaadiriga iyo Jareer-weyne, kuwaasi oo dalbaday in laga dhaafo in loogu yeero Magaca Others.
Dhanka kalena, Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa maanta waxay sii amba qaadeen ka doodista qodobka Xalinta Khilaafaadka, waxaana lagu dhegeystay cabasho ay soo jeediyeen Beelaha Banaadiriga, Jareer-weyne iyo Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo ka eed-sheegnayay Beelaha Hawiye iyo Daarood.
Suldaan Shariif Munye oo u hadlay Beelaha Banaadiriga ayaa sheegay in ay beesha Hawiye u geysatay Xasuuq iyo burburin hantiyeed, isagoo carrabka ku dhuftay in dad nabadgelyo ahaan u galay 9 Masjid oo ku yaala Degmooyinka Xamar-weyne iyo Shangaani dhibaatooyin kala duwan loo geystay.
Suldaan C/naasir Aadan Seed oo u hadlay Beesha Hawiye ayaa jawaab ka bixiyay Eedda ay ka tirsatay Beesha Banaadiriga, wuxuuna sheegay in ay raaligelin ka bixinayaan wixii dhibaato ahaa ee ay geysatay Beesha Hawiye, isla markaana ay xaal-marin ka bixin doonto.
Nabaddoon Xaaji Cabdi Yare oo u hadlay Beesha Mareexaan ayaa isna sheegay in ay iyana ka garaabayaan dhibaato ay ka sheegteen Beelaha Digil iyo Mirifle, inkastoo uu sheegay in ay iyaguna tirsanayaan dhibaato ay beelahaas u geysteen tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladii hore ee Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo tiradooda la gaarsiiyay 1,600 oo Ergay ayaa waxay maalintii afaraad isugu yimaadeen Xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ee Degmada C/Casiis, iyagoo weli ka doodaya qodobka Xalinta Khilaafaadka Beelaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






