10 C
London
Monday, November 10, 2025

Gaarigii Guddoomiyaha Degmada Afgooye oo ay ku qaraxday Miino Jidka loo geliyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 29, 2007(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay Miino nooca la hago ah oo jidka dhinaciisa loo geliyay ay ku qaraxday Gaariga Guddoomiyaha Degmadaas Maxamed Cumar Mudeey.

 

Hiraabe Cumar Muudey oo Guddoomiyaha la dhashay, isla markaana darawal u ah ayaa sheegay in xiliga uu qaraxa qabsanayay uusan Guddoomiyaha gaariga saarneyn, isla markaana uu Xafiiskiisa ku sugnaa.

 

Hiraabe waxaa uu intaas ku daray in Miinada loo dhigay oo ahayd nooca la hago ay dhaawac u geysatay isaga iyo Askari la socday oo gaariga ilaalo ka ahaa, wuxuuse sheegay in dhaawacyada soo gaaray ay yihiin kuwo sahlan oo aan cusleyn.

 

Qaraxaasi kadib ayaa la sheegay in ay goobta tageen Ciidamada Ammaanka Degmada Afgooye, kuwaasi oo bilaabay baaris ku saabsan ciddii qaraxa ka dambeysay, walow aan la sheegin dad loo qabtay in ay qaraxaasi ka dambeeyeen.

 

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo muddo 11 Sanadood ah uu ka talinayay maamul aysan dadka deegaanka raali ka ahayn ayay Dowladda Federaalka maamulka Degmada u magacawday Mas’uuliyiin deegaanka ah, inkastoo iyagiina ay haatan daba-taagan yihiin weerarro la doonayo in naftooda wax lagu yeelo.

 

Ugu dambeyntiina, Ma ahan markii ugu horeysay oo falal nabadgelyo darro ah oo ceynkan oo kale ah ay ka dhacaan Degmada Afgooye, waxaana horay Degmadaas uga dhacay qaraxyo dhowr ah oo qaarkood lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaas ku sugan, iyadoo dhawaan-na la dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada marxuum Xasan Axmed Xasan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).