Axad, July 29, 2007(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa saakay waxaa ka socda baaritaanno hub iyo waxyaabo qarxa lagu raadinayo, kaasi oo ay wada-jir u sameynayaan Guddiga Ammaanka Qaranka, Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Booliska Dowlada Federaalka.
Baaritaannada ayaa lagu sameynayaa Dukaamada, Bakhaarrada iyo Dhismayaasha ganacsi ee ku yaala Suuqa Bakaaraha, waxaana goobtii ganacsi ee la baaro la siinayaa warqad caddeyneysa in goobtaas lagu sameeyay baaris huban, waxaana warqaddaas wada saxiixaya guddiga ammaanka, guddiga ganacsatada iyo mas’uulka iska leh ama wakiilka ka ah goobta la baaray.
Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabbaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in howlaha baarista ah ay si habsami leh u socdaan, isla markaana aysan jirin wax caqabad ah oo ka hortaagan, isagoo rajeeyay in ay si wanaagsan ku soo af-jarmi doonto howshaas baarista ah.
Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shalay waxay kormeer ku sameeyeen Suuqaas, iyagoo kadib markii ay dhegeysteen cabasho uga timid ganacsato warato ah oo waddooyin Suuqa dhexmara ku ganacsanayay amar ku bixiyay in loo raro Suuqa Siinaay ee Degmada Wardhiigley.
Suuqa Bakaaraha oo xaalad qalalaase ah ku jiray muddo 18 maalmood ah ayaa haatan xaaladdiisa ay tahay mid degan oo ay dadku si caadi ah u wataan howlahooda ganacsiga, iyadoo ay yaraadeen qaraxyo lala beegsan jiray Ciidamada Dowladda Federaalka ee gudaha Suuqa ka howlgala.
Dhanka kalena, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa ka jira sicir barar ka dhashay Lacagaas been abuurka ah iyo Xiligii Bad-xiranka oo lagu jiro, waxaana sare u kacay qiimaha Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo weliba Badeecooyinka kale ee ay dadka u baahan yihiin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uu sare u kacay Sarifka Doollarka Mareykanka oohaatan Boqolkii Doollar lagu sarifo 1,900,000 Shillin Soomaali ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






