10 C
London
Monday, November 10, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska oo baaqyo u jeediyay Deeq-bixiyayaasha Caalamka iyo Qaramada Midoobay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 29, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Mr. Bernard Kouchner ayaa kulan ay  ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya kadib waxay baaq u jeediyeen deeqbixiyayaasha Caalamka iyo Qaramada Midoobay.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo wariyayaal kula hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa ugu baaqay Wadamada Deeqaha bixiya in ay dhaqaale ku bixiyaan dadaallada socda ee la doonayo in lagu soo celiyo nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in haddii dalalka deeqaha bixiya ay dhaqaale ku taageeraan Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya la geynayo waxaa uu sheegay in uu guuleysan doono howlgalka nabad-sugidda ah ee ay Ciidamadaas ka sameynayaan Soomaaliya.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la mideeyo dhaqdhaqaaqyada heer gobol iyo heer caalami ee lagula dagaalamayo Argagixisada, si buu yiri loo helo nabad madax-bannaan iyo xasilooni guud oo uu helo Dalka Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayay Ra’iisal Wasaaraha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in shirkaasi uu si nabadgelyo ah oo guul leh uu ku socdo, isagoo carrabka ku dhuftay in ay ka qeybgelayaan ergooyin gaaraya 1,500 oo erygay, kuwaasi oo ka socda Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo sida uu yiri doodaha u dhaxeeya isu weydaarsanaya si Dimoqraadi ah.

 

Dhanka kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Mr. Bernard Kouchner oo kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, isagoo xusay in  Qaramada Midoobay haddiiba ay Ciidamo u direyso Soomaaliya ay uga sahlan tahay in ay Ciidamo u dirto Gobolka Darfur ee Suudaan.

 

Mr. Bernard Kouchner waxaa uu intaas ku daray in Dowladdiisa ay ka qeyb-qaadan doonto nabadeynta dalka Soomaaliya, isla markaana ay dhaqaale ku bixin doonto sidii Ciidamo ka socda Midowga Afrika Soomaaliya loo geyn lahaa.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, baaqa ay labadan mas’uul u jeediyeen Dalalka Deeqaha bixiya iyo Beesha Caalamka ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Ciidamo ka socda dalalka Afrika oo Soomaaliya imaan lahaa ay u xayiran yihiin dhaqaale la’aan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).