10 C
London
Monday, November 10, 2025

Muqdisho iyo Weerarrada habeenkii lagu qaado fariisimada Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 29, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Isgoyska Folorenza iyo weliba Guri magaalada Muqdisho looga diyaariyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, hayeeshee uusan weli degin.

 

Weerarka koowaad oo lagu qaaday guriga loo diyaariyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Shangaani, iyadoo weerarkaasina loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro.

 

Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa rasas is-weydaarsaday Ciidamo ilaalo ka hayay gurigaas, iyadoo la sheegin khasaare ka dhashay weerarka lagu qaaday guriga loo diyaariyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Weerar kale oo la isugu adeegsaday hub culus iyo mid fudud ayaa waxaa lagu qaaday Ciidamo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka amar qaata oo fariisin ku leh  Isgoyska Folorenza ee Degmada Wardhiigley, kuwaasi oo sida la sheegay ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kooxo hubeysan.

 

12:30 habeennimo ayuu weerarkaasi dhacay, waxayna dadka deegaankaas ku dhaqan ku tooseen daryanka madaafiic ay labada dhinac isku rideen, kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen guryo dad rayid ah ay leeyihiin oo u dhow Hotelkii Folorenza, hayeeshee lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaarin dadkii guryahaas ku noolaa marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha guryahooda oo jiingado ka sameysnaa.

 

Ciidamada Dowladda ee xalay la weeraray ayaa saakay la arkayay iyagoo howlgallo baaris ah ka wada xaafadaha u dhow halkii xalay laga soo weeraray, waxayna gebi ahaanba hakad geliyeen gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Isgoysyada Siinaay iyo KM4.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka dhaca weerarro lagu qaado fariisimada mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna weerarkii xalay ku soo beegmay iyadoo habeen hore weerar xooggan lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowlada Federaalka oo ku sugan agagaarka Hotelka Guuleed ee Degmada Yaaqshiid.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).