10 C
London
Monday, November 10, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u jawaabay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Faransiiska

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti,
July 28, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamihii Islaamka Shiikh Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa beeniyay eedeyn ay Qaramada Midoobay u jeedisay Dowlada Eritrea, taasi oo ahayd in Dowladda Eritrea ay hubeysay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in uusan jirin wax hub ah oo ay Dowladda Eritrea siisay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddiiba Soomaaliya hub la geliyay ay gelisay Dowladda Itoobiya.

 

Madaxa Maxkamadihii Islaamka waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Qaramada  Midoobay oo la rabay in dhibaatada ka dhaceysa Soomaaliya ay ka hadasho ay la soo baxdo Door aaney dhexdhexaadnimo ka muuqan.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea waxaa uu intaas ku daray in hadalka ka soo yeeray Qaramada Midoobay uu yahay mid aan la fileyn, isagoo xusay in taas bedelkeed looga baahnaa in ay cambaareyso dhibaatada ay Ciidamda Itoobiya ku hayaan dadka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Sidoo kalena Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka jawaabay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ka sheegay Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ahaa in aysan nabad rabin, wuxuuna sheegay in hadalka ka soo yeeray Dowladda Faransiiska uu yahay mid aan xaqiiqo ahayn oo weliba aan laga fileynin Dowlad ka mid ah Dowladaha waa weyn ee Reer Yurub.

 

Sidoo kalena Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdou ayaa beeniyay in Dowladdiisa ay hub u dirtay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Wararkaasi faafiyeen Dowladda Mareykanka oo sida uu yiri  qarineysa faragelinta ay Dowladda Itoobiya ku heyso Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Koox ka tirsan Qaramada Midoobay oo u xil saaran la socosahda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkad fadhigeedu yahay Dalka Ghana oo nooceedu yahay Boeing 707 ay 13 jeer isaga kala gooshtay Magaalooyinka Asmar iyo Muqdisho, taasi oo siday Hub ay ka qaaday Dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).