10 C
London
Monday, November 10, 2025

RA’IISAL WASAARE GEEDDI: “Ma dooneyno in Dadkeena iyo Ganacsatadeena ay khasaaraan, waxaana sameyn doonnaa Lacag cusub oo sharci ah, tan been abuurka ahna waa la xareynayaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 28, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed oo isagoo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Dowladdiisa ay wax ka qaban doonto sicir bararka ka dhashay lacago been abuur ah oo lagu sameeyo gudaha Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in ay la socdaan sicirka bararka ka dhashay lacagahaas been abuurka ah, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo sameyn doonto lacag sharci ah, iyadoo la xareyn doono lacagaha been abuurka ah ee dalka la soo geliyay.

 

“Ma dooneyno in Dadkeena iyo Ganacsatadeena ay khasaaraan, waxaana sameyn doonnaa Lacag cusub oo sharci ah, tan been abuurka ahna waa la xareynayaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Lacago been abuur ah oo qaarkood laga sameeyo warqadaha A4ta ah ayaa dhawaanahan waxaa lagu arkayay magaalooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in ay lacagtaas soo sameysteen ganacsato la timid makiinado lacagta lagu sameeyo.

 

Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa dhawaan waxaa ka dhacay banaanbax ay dadka uga cabanayeen sicir barar ka dhashay Lacago la been abuuray oo Doollar iyo Sh. Soomaali isugu jira, taasi oo lagu daabacay Makiinado ay ganacsato Soomaaliyeed keensadeen Magaalooyinka Puntland qaarkood, iyadoo ay xusid mudan tahay in goobo lacagahaas lagu sameynayay ay weerar ku qaadeen Ciidamada Maamulka Puntland, kadibna ay gacanta ku soo dhigeen dadkii sameynayay Lacagta been abuurka ah.

 

Dhanka kalena, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa ka jira sicir barar ka dhashay Lacagaas been abuurka ah iyo Xiligii Bad-xiranka oo lagu jiro, waxaana sare u kacay qiimaha Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo weliba Badeecooyinka kale ee ay dadka u baahan yihiin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uu sare u kacay Sarifka Doollarka Mareykanka oohaatan Boqolkii Doollar lagu sarifo 1,900,000 Shillin Soomaali ah.

 

Ugu dambeyntiina, waxaa hubanti ah in lacagtii sida Sharciga ah Soomaaliya loogu sameeyay ay sii dhamaaneyso, isla markaana loo baahan yahay in la soo sameeyo lacag cusub, iyadoo loo marayo qaabka sharciga ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).