10 C
London
Monday, November 10, 2025

Iska hor-imaad xooggan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 28, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa nawaaxiga Hotelka Guuleed ee magalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan.

 

Iska hor-imaad hubeysan oo labada dhinac dhexmaray, isla markaana la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu dhacay xalay saacaddu markii ay ahayd 11-kii habeennimo, iyadoo dadka degan nawaaxiga halka uu iska hor-imaadka ka dhacay ay hurdada ka toosisay dhawaqa Madaafiicdii iyo rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Ciidamo Itoobiyaan ah  oo ku sugan inta u dhaxeysa Hotelka Guuleed iyo Warshadda Xeyle Bariise ee Degmada Yaaqshiid ayaa u soo gurmaday Ciidamda Dowladda Federaalka ee la weeraray, iyagoo dhinacooda rasaas ka riday markii ay soo gaareen halkii iska hor-imaadka ka socday.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa saakay la arkayay iyagoo howlgallo guryo baaris ah  sameynaya, waxayna taasi keentay in dhalinyaro badan ay xaafadahooda ka cararaan, iyagoo ka baqaya in ay xiraan ama ay dhibaato u geystaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee baaritaannada sameynayay.

 

Dadka ka dhow halka uu ka dhacay iska hor-imaadkii xalay ayaa waxay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kaasi oo aysan sheegi karin inta uu la egyahay sabab la xiriirta iyadoo xiliga uu iska hor-imaadka dhacay ay habeen ahayd.

 

Magaalada Muqdisho ayaa in muddo ah waxaa ka dhacayay  weerarro habeenki lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo weeraradaasina ay geysanayaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).