10 C
London
Monday, November 10, 2025

Beelaha Gaal-jecel iyo Mareexaan oo bilaabay in ay fuliyaan heshiis ay gaareen oo ahaa in Qofkii Qof dila la dilo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 28, 2007(HOL): Beelaha Mareexaan iyo Gaal-jecel oo dhawaanahan ay colaad ugu dhaxeeysay deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dhawaan waxay heshiis ka gaareen colaaddii u dhaxeysay, iyagoo qodobada heshiiskooda uu ugu muhiimsanaa qodob sheegayay in haatan wixii ka dambeeya qofkii qof dila isna la dilo.

 

Haddaba iyadoo heshiiskaas la meel-marinayo ayay labada beelood fuliyeen xukun dil, kaasi oo lagu fuliyay Nin  gacan ku dhiigle ah oo lagu magcaabi jiray  Maxamed C/llaahi Jabane (Timo-jilic), kaasi oo dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Gaabow Ibraahim kaasi oo ka soo jeeda Beesha Gaal-jecel.

 

Beesha Mareexaan ayaa kadib markii uu gacan ku dhiiglaha dilka bareerka ah geystay waxay ku soo qabatay muddo 20 daqiiqo gudahood ah, iyadoo kadibna ku wareejisay Beesha Gaal-jecel oo iyaduna qisaasatay gacan ku dhiiglaha oo qudhiisa qirtay in uu dilkaas geystay.

 

“Hadda wixii ka dambeeya si wanaagsan ayaan u hurdi karnaa, sababtoo ah ma jiro qof ku xad-gudbi kara qof kale”sidaas waxaa yiri Yuusuf Dheere oo ka mid ahaa dadkii goob-jooga u ahaa fulinta dilki qisaasta ahaa.

 

Tallaabada ay qaadeen labadan Beelood ayaa waxay tahay mid ku cusub Qabaa’illada Soomaaliyeed oo aan iyagu si sahal ah u wareejin Dadka dilalka geysta ee ku dhex nool.

 

Sidoo kalena Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyo dadkii daawanayay dilka qisaasta ah, waxayna sheegeen in heshiiska ay gaareen labada Beeelood uu yahay mid soo af-jaraya colaaddii iyo dilalkii u dhaxeeyay.

 

Ugu dambeyntiina, heshiiska ay gaareen Beelaha Mareexaan iyo Gaal-jecel ayaa waxaa fududeysay Hay’adda Cilmi baarista iyo Wada-tashiga CRD oo in muddo ah ku howlaneyd sidii ay labadaas beelood uga heshiin lahaayeen colaad in muddo ah u dhaxeysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).