
Sabti, July 28, 2007(HOL): Sida uu sheegay Madaxa Ururka daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha Max’ed Cismaan Timo-jilic in ka badan 100 caruur ah kana mid ah dadka aan lixaadkoodu dhameystirneyn ayeey ku guuleysteen in ay ka soo diiwaan-galiyaan Xaafadaha magaaladu ka kooban tahay kuwaasoo sida uu sheegay Timo-jilic Iskaashi dhinaca Caafimaadka ah ay kala sameynayaan Hay’adda MSF Swiz taasoo balan qaaday ayuu yiri in ay u sameyn doonto caruurta Baaritaano lacag la’aan ah.
Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay u jeetada ay arinti ka leeyihiin ay tahay soo ban-dhigida dhibaatada heysata Caruurta si markaa loo ogaado kuwa wax looga qaban karo gudaha dalka iyo kuwa u baahan dageero caafimaad oo dibada ah, samarkaa ayuu yiri aysan u dhicin in waalidiintu iska heystaan caruurta iyaga oo qaba dhibaato dhinaca caafimaadka ah.
Qaar ka mid ah caruurta iyo waalidiinta dhalay oo maanta ka soo qeyb-galay kulan ururku uu soo qaban qaabiyay ayaa dhinaca kale waxaa ay qaar ka mid ah caruurta curyaanka ah Nasiib u heleen in halkaa lagu gudoonsiiyo Gaariga fadhiga ah ee lagu socodsiiyo dadka cuuryaanka ah kuwaasoo ay bixisan hay’adda MSF ayada oo soo marinaysa Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khliif.
Waxaa ka mid ah Caruurta la gudoonsiiyay Qalabkaasi Wiil iyo gabar aad u da’yar oo dhamaan jirka cuuryaan ka ah kuwaasoo Waalidiinta dhalay sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay oo ay caruurtooda u helaan Qalab sidan oo kale ah, iyaga oo intaa ku daray in qalabkaasi fursad u siinayo qabsashada howlaha kale ee la xiriira nolasha guriga maadaama markii hore ay ahaayeen kuwo ku mashquulsan heysmadooda oo kaliya.
Waa markii ugu horeysay oo sidan oo kale la arko Ururo isku mashquulinaya wax u qabashada Caruurta dhibaateysan ee qaba caafimaadka jir ahaaneed, waxaana xusid mudan in caruurta la soo diiwaan galiyay yihiin kuwo da’doodu u dhaxeyso 1sano ilaa 18sno kuwaasoo la oran karo mustaqbal u baahan in la samata bixiyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






