8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah oo sheegay in aysan ka qeybgeleynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 27, 2007HOL): Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ee haatan ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegay in aysan ka qeybgeleynin shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo ay ku tilmaameen mid aan natiijo ka soo baxeynin.

 

Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo ka mid ah Xubnahaas ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in shirka Muqdisho ka socda uu yahay mid ku socda dhabihii uu ku guul-darreysan lahaa, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in aysan diyaar u ahayn in ay ka qeybgalaan.

 

Yuusuf Dheeg waxaa uu ka hadlay baaq uu Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u jeediyay Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah iyo Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ahaa in ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta, wuxuuna Yuusuf Dheeg baaqaas ku tilmaamay mid lagu beer-laxawsanayo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Yuusuf Dheeg ku eedeeyay dan-ka-gelis la’aan ay kula dhaqantay Dadka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ujeedada ay shirka Dib u heshiisiinta u abaabushay ay tahay sidii ay dhaqaale uga heli lahayd Beesha Caalamka.

 

Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Arbacadii aynu ka soo gudubnay waxaa uu ugu  baaqay Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah  iyo Madaxda Maxkamadihii Islaamka in ay ka soo qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen oo guddigaas u hadlayna uu caddeeyay in ay diyaariyeen tas-hiilaadkii ay xubnahaas u baahnaayeen.

 

Laakin labada dhinac ee uu baaqaas ku socday waxay si cad u diideen baaqa uga yimid shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan looga hadleynin danaha Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntiina, 1-da Bisha September ee soo socota ayay madaxda Maxkamadihii Islaamka iyo Baarlamaanka xorta ah waxay sheegeen in ay shirweyne ku qabanayaan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, iyagoo sheegay in shirkaas lagu dhisi doono Urur u ololeynaya xoreynta Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).