Jimco, July 27, 2007HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo Qarax oo sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawac kale oo intaas ka badan.
Bambo nooca gacanta laga tuuro ah ayaa lagu tuuray Dad ku caweynayay Biibito ku taala Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasina uu qof ku dhintay, halka ay dad kalena ku dhaawacmeen.
Dadka Biibitadaas fadhiyay oo la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro Qaad cuneysay ayaan la ogeyn sababta Bambkaas loogu tuuray, iyadoo weliba la xaqiijiyay in aaney nawaaxiga halka Qaraxa ka dhacay aysan ka dhaweyn wax ciidamo ah haddiiba la dhihi lahaa Qaraxaas waxaa loo waday Ciidamo meesha joogay.
Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho ayaa iyana waxaa lagu weeraray Bambo Gacmeed, iyadoo aan la xaqiijin wax khasaare ah oo soo gaaray Ciidamadii halkaas ku sugnaa sabab la xiriirta iyadoo aan la tegi karin meesha ay joogaan iyo weliba iyadoo magaalada ay Bandow ahayd.
Sidoo kalena kooxo hubeysan ayaa waxay rasaaseeyeen dad ku fiidsanayay gurigooda oo ku yaala Degmada Madiina horiisa, waxaana la sheegay in ay rasaastaas sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo kale.
Dhanka kalena, habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Xaafadda Juungal ee magaalada Muqdisho Guddoomiyihii Waaxda Afaraad ee Degmada Yaaqshiid marxuum Xasan Axmed Cali (Xasan Cirro), kaasi oo markii la dilayay ka soo baxay Masjid uu ku soo Salaaddii Maqrib ku soo tukaday.
Saraakiil ka socota maamulka Gobolka Banaadir, Booliska iyo kuwa Nabad-sugidda oo gaaray goobta falka dilka ah ka dhacay ayaa billaabay baaritaanno la xiriira sidii ay ku soo qaban lahaayen kuwii falkaas ka dambeeyay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo tacsi u diray ehelladii iyo qoyskii Marxumka ayaa sheegay in kooxaha dilalka geysta ay tillaabo ka qaadi doonaan, ayna eedi doonaan falalka ay geystaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Ammaan ee magaalada Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan hagaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka gacan ku heyntii Muqdisho kala wareegtay Maxkamadihii Islaamka, inkastoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay wadaan howlgallo ammaanka lagu sugayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






