8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Ururka Al-Islaax oo beeniyay eedeyn uu u soo jeediyay Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 27, 2007HOL): Ururka Al-Islaax ayaa beeniyay eedeyn uu u soo jeediyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde), taasi oo ahayd in banaanbax rabshado watay oo ka dhacay Magaalada Garowe uu ka dambeeyay Ururka Al-Islaax.

 

“Xarakada Islaax waxaa lama filaan ku noqotay eedaynta aan salka iyo raadka lahayn ee uu madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland u soo jeediyay Xarakada, isaga oo ku eedeeyey inay ka dambaysay mudaaharaadkii ka dhacay magaaladda Garoowe 25/07/2007”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Ururka Al-Islaax.

 

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururka Al-Islaax oo uu ku saxiinaa Shiikh C/llaahi Cali Xeyle oo Ururkaas Afhayeen ka ah ayaa waxaa looga dalbaday Madaxweynaha Puntland in uu cudurdaar ka bixiyo wax loogu yeeray eedeyn aan jirin oo uu Ururka Al-Islaax u jeediyay.

 

“Xarakada Al-Islaax waxay ku faraxsan tahay, isla markaana ay bogaadineysaa xasiloonida iyo horukaca ay xaqiijiyeen dadka Reer Puntland, waxayna ka soo horjeeddaa wax kasta oo wiiqi kara nabadgelyada iyo horumarka Gobollada Puntland”ayaa sidoo kale lagu yiri Warsaxaadeedka uu soo saaray Ururka Al-Islaax.

 

Ugu dambayntii, Ururka Al-Islaax waxaa uu sheegay in intii uu jiray uu ku caan-baxay ka shaqeynta Nabadda, dib u heshiisiinta, Horumarka Dalka iyo u ololeynta soo celinta Dowladnimada Soomaaliyeed, iyadoo uu ka soo horjeedo Dagaallada Sokeeye iyo wax kasta oo waxyeeli kara Xasiloonida guud.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).