8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Dowladda Federaalka oo labo bilood ku kordhisay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, July 26, 2007HOL): Xaflad lagu qabtay Xarunta Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeybgaleen madax ka socotay Dowladda Federaalka oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa looga dhawaaqay in muddo labo bilood ah lagu kordhiyay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in sababta muddada labada Bilood ah loogu kordhiyay ay tahay iyadoo ay jiraan dad Baasaboorkii hore Visa ku qaatay, kuwaasi oo looga faa’iideynayo waqtigaas.

 

Laakin Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in Baasaboorkii hore ee Soomaaliya ay qaateen dad aan Soomaali ahayn, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen argagixiso caalami ah iyo kuwo burcad ah oo bangiyo dhac u geystay.

 

Dowladda Turkiga ayuu sheegay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay qabatay 5000 oo ruux oo watay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kuwaasi 480 ruux oo ka mid ah ay ahaayeen dad aan Soomaali ahayn, “Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya iyo Saraakiil ka socotay Waaxda Socdaalka Soomaaliya ayaan u dirnay magaalada Ancara ee Dalka Turkiga, si ay u  kalal caddeeyaan dadkaas kuwa Soomaalida ah iyo kuwa aanan ahayn”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo la yaab ku tilmaamay in 5tii Kun ee ay qabteen Ciidamada Turkiga ay 200 oo ka mid ah kaliya ay noqdeen Soomaali.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Baasaboorka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay oo ah mid casri ah uu fududeyn doono safarrada ay Dadka Soomaaliyeed dibadda ugu dhoofayaan, wuxuuna sheegay in ay Baasaboorkan aqoonsan yihiin 180 Dal oo caalamka ah, kuwaasi oo qaarkood xiriirro la soo sameeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

“Baasaboorkan ma ahan mid la been  abuuri karo, wuxuuna la mid yahay baasaboorrada dalalka horay u maray”ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi oo ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay deg deg ugu qaataan Baasaboorka cusub oo ah mid e-passaport ah.

 

Sidoo kalena xafladdii looga dhawaaqayay in labo bilood lagu kordhiyay isticmaalka Baasaboorkii hore ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in Baasaboorka cusub uu soo af-jari doono dhibaatadii dadka Soomaaliyeed ka heysatay dhinaca socdaalka.

 

C/llaahi Gaaafow Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in baasaboorka cusub ciddii u baahata oo xaalad deg deg ah ay soo wajahdo loogu sameyn doono muddo 36 saacadood gudahood ah, halka  dadka aan baahi deg deg ah qabin ay baasaboorkan sugaan muddo bil iyo wixii ka hoseeya ah.

 

Xafladdii dib loogu dhigayay Isticmaalka Baasaboorka cusub ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Wasirka Arrimaha Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Taliyaha Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish, Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan Jen. Gabre iyo Safiirrada Dalalka Yemen iyo Itoobiya.

 

Waa markii labaad oo dib loo dhigay isticmaalka Baasaboorkan cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ahayd in isticmaalkiisa uu bilowdo  bilowgii bishan, hayeeshee mar kale ayaa dib loo dhigay ilaa bisha soo soocta ee Agoosto, iyadoo maantana uu Ra’iisal Wasaare Geedi mar kale dib u sii dhigay ilaa Bisha Oktoobar ee soo soocta.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).