8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

C/KARIIN FAARAX LAQANYO: “Mas’uuliinta Maamulka Gobalka Hiiraanwaa in ay ogaadaan in dowladdu isha ku heyso mar walba wax-qabadkooda”

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, July 26, 2007HOL):
Safiirka Dowlada Soomaaliya u jooga Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo oo u warmayay mid ka mid ah Idaacadaha ka howl-gala Gudaha Gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay aragtidiisa la xiriirta Isbadalka mar kale Dowlada Federaalku ku sameysay Maamulka Gobalka Hiiraan, iyo waliba sida uu u arko sida ay u socdaan howlaha Maamulka Gobalka Hiiraan.

 

C/kariin Laqanyo waxaa uu sheegay in mar walba Dowlada Federaalku ku dadaaleyso  dhismaha Maamul wax qabta, waxaana uu intaa ku daray in arimuhu aheyn kuwo ku eg Gobalka Hiiraan oo kaliya, lakiin dhamaan Gobalada dalka oo dhan si gaar ah isha loogu hayo dhaq-dhaqaaqayada ka jira iyo waliba waliba sida shacabka ku dhaqan ugu qanacsan yihiin hogaanka Mas’uuliyiinta ka arimiya.

 

Safiirka waxaa uu intaas raaciyay in Isbadalka hadda ka dhacay gobalku yahay mid aan ku iman ka fiirsi la’aan lakiin la oran karo waa mid ku dhisan hadba soo jeedinta Siyaasiyiinta gobalka ee ka tirsan Dowlada Federaalka oo sida uu sheegay talo buuxda ku lahaa Magacaabsita cusub, Isaga oo intaa sii raaciyay in jiritaanka Maamul kasta ku xeran yahay oo kaliya wax qabadka uu la yimaado.

 

Waa in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalku ogaadaan ha’ahaadaan kuwa cusub ee hadda la magacaabay iyo kuwii horay u jiray intaba, in uu jiro daba gal iyo ka warqab joogta ah oo ay dowladu ku heyso howlaha ay u hayaan bulshada ay Mas’uulka ka yihiin ayuu yiri  Laqanyo oo la weydiiyay Su’aal wax keenay in dowladu mar walba ku mash-quusho maamul u sameynta Gobalka Hiiraan oo kaliya.

 

Dhinaca kale Safiirka waxaa uu ka hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo waliba Amaanka Caasimada Muqdisho, waxaana uu sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa Amaanka Caasimadu soo hagaagayo, Islamarkaana Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanaya siweyn ugu howlan yihiin sida uu hadalka u dhigay dhamaystirka howlaha yar ee dhiman si markaa loo xaqiijiyo gacan ku heynta Amaanka Guud ee caasimada Muqdisho.

 

C/kariin Faarax Laqanyo ayaa ugu danbeytii ku buuriyay dadka ku dhaqan gudaha gobalka in ay gacan ka siiyaan Maamulka jira gudashada waajibaadka saaran, si markaa looga wadda qeyb-qaato daaba galinta himilooyinka la higsanayo oo ah sugida nabad-galyada oo sida uu hadalka u dhigay ah qodobka ugu horeeya sida weyn isha loogu wadda hayo.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).