Khamiis, July 26, 2007HOL): Dadka degan nawaaxiga Xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka socdo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxay ka cabanayaan amar uga yimid Taliska Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo ah in ay halkaas isaga guuraan.
Maxamed Macallin Taakow waxaa uu intaas ku daray in ay u yimaadeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo ku xigeenkiisa Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kuwaasi oo u sheegay in ay halkaas isaga guuraan, isagoo carrabka ku dhuftay in uu amarkaas yahay mid aysan ka fileynin Booliska Soomaaliyeed oo ay ka tirsan yihiin.
Saraakiisha Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in sababta ay amarkaas u soo saareen ay la xiriirto sugidda ammaanka goobta shirka lagu qabanayo ee Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed, iyagoo intaas ku daray in laga hortegayo in ay dhismayaasha u dhow halka uu shirka ka socdo ay ku soo dhuuntaan dad dhibaato abuuraya.
“Guryaheena waxay ku yaalaan Xamar Jadiid iyo Huriwaa, sababo nabadgelyo aawadoodna ma tegi karno, tusaale aniga hadda waxaan ahay nin Boolis ah, gurigeyga oo Huriwaa ku yaalana ma tegi karo, marka waxaan ka codsanayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in ay noo ogolaato in aan meesheena sii deganaano tan iyo inta laga sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Maxamed Macallin Taakow oo caddeeyay in guryaha ay degan yihiin ay lahaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay ahayd wuxuu soo saaray amar lagu sugayo ammaanka Suuqa Bakaaraha, kaasi oo si gaar ah u saameynayay Ganacsatada Qaadka ku iibisa gudaha Suuqa iyo kuwa Waratada ee ku ganacsada hareeraha Waddooyinka dhexmara Suuqaas, kuwaasi oo uu Talisku sheegay in ganacsigooda uu lid ku yahay sugidda ammaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa uga digay ganacsatada uu amarkaas ku socdo in ay dhego-adeygaan, isagoo carrabka ku dhuftay in ganacsadihii ka dhego adeyga tallaabo laga qaadi doono.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala ciidamo tiradooda ka badan 3000 oo Askari o loo xil-saaray in ay sugaan ammaanka Muqdisho, hayeeshee waxaa magaalada ka dhaca falal nabadgelyo darro ah oo ay ku jiraan weerarro lagu qaado Ciidamada Booliska qudhooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






