8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Duqa Magaalada Helsinki oo Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey kasoo qayb galayaasha Ciyaaraha Eurosom 2007

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, July 26, 2007HOL): Aqalka Duqa magaalda Helsinki ayaa maanta waxaa ka dhacday xaflad aad u ballaaran oo lagu soo dhaweeyey dhamaan maamulka iyo ciyaaryahannada Eurosom 2007 iyo weliba guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed mudane Abdulkadir Abkow iyo wafdigii uu hogaaminayey oo ay ka mid ahaayeen, Duraan Faarax, Bahsiir Foxis, Axmed Nuur Elman, kabtan Shaash iyo Iimaan Iikar. 

 

Waxaa ugu horaynba xafladda hadallo guubaabo iyo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey, ku simaha duqa magaalada Helsinki Mr Ilkka Chiristian  oo halkaas aad uga amaanayey maamulka Kanava iyo dhamaanba gudiga qabanqaabada shaqada wanaagsan ee ay qabteen iyo sahrafta weyn ee ay u soo jiideen magaalada Helsinki, wuxuu sidoo kale u mahadceliyey maamulka Eurosm oo isaguna ogolaaday in tartanka Eurosom lagu qabto sannadka 2007 magaaladan Helsinki. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” waxaan aad ugu faraxsanahay  sahraftan ay noo soo jiideen reer Kanava iyo sida wanaagsan ee ay maamulka Eurosomna kalsoonida noo siiyeen, waxaan diyaar la ahay wax walba oo lagu hormarinayo farxadda dhalinyarada halkan iskugu timid” . 

 

Waxaa isna sidoo kale halkaas hadal mahadcelin ah kasoo jeediyey gudoomiye Abkoow oo uga mahad celiyey maamulka magaalda Helsinki iyo dowladda Finland sida aan hagarta lahayn ee ay marwalba ugu taagan yihiin inay gacan qabtaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba, gaar ahaan kuwooda wadankan ku nool.  

 

Waxaa xusid mudan in Gudoomiye Abkow uu guddoonsiiyey Mr Ilkka Christian guddoonsiiyey billadda astaanta u ah gudiga Olympikada Soomaaliyeed, iyadoo billaddaasna uu si weyn ugu farxay Mr Ilkka Christian.

 

Ugu dambeyntii waxaa iyaguna hadallo mahad naq ah halkaa kasoo jeediyey, maamulka Eurosom, maamulka Kanava iyo dhamaanba ciyaartoyda oo duqa magaalda uga mahadceliyey martiqaadkaas iyagoo isla mar ahaantaana gacan qaadaya sawirro xusuus ahna la galay. 




Warbixintan waxaa noo soo diray

Madaxa Warbaahinta Eurosom

& Gudiga qaban-qaabada 

Abdiaziz Godax

agodah@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).