8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Yemen oo sheegtay in ay dib u cusbooneysiineyso taageeradeeda Dib u heshiisiinta Soomaalida

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 26, 2007HOL): Dowladda Yemen ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo cusbooneysiisay dadaaladdii ay ku taageerysay  Dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha ka taagan Soomaaliya.

 

Safiirka Dowladda Yemen u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ku dadaaleyso sidii loo soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambeyntii Wadanka Soomaaliya.

 

Intii ay socdeen wada hadallo uu Safiirka la yeeshay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayuu ku sheegay in habka kaliya ee lagu xalin karo murannada u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida uu yahay wada hadal.

 

Axmed Xamiid Cumar wuxuu amaanay dadaalka ay Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ku  jiraan, isagoo xusay in Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay  Muqdisho ku qabteen uu yahay midkii ugu horeeyay oo dalka gudahiisa lagu qabto tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa isna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka ay  waddo Dowladda Yemen, gaar ahaan Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo sida uu yiri aad u daneynaya in uu  dib u soo noqdo nidaamkii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Dowladda Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa la xusuustaa kaalinkii uu ku lahaa heshiisiintii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo kala hoggaaminayay labo garab oo ay u kala jabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay Nairobi ka soo guurtay, iyadoo qeyb ay degtay Muqdisho, halka qeybta kalena ay degtay magaalada Jowhar.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).