8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo amar Amniga Suuqa Bakaaraha lagu sugayo soo saaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 25, 2007(HOL):  Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta wuxuu soo saaray awaamiir lagu sugayo amniga Suuqa Bakaaraha oo maalmahan xaaladdiisa nabadgelyo aysan hagaagsaneyn.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in aan gudaha Suuqa Bakaaraha Qaad lagu iibin karin, isagoo ganacsatada Qaadkana u sheegay in ay amarkaas u dhego-nuglaadaan bacdamaa ganacsiga ay hayaan uu soo galay arrimo ammaan.

 

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in sidoo kale ganacsatada weratada ah ee waddooyinka hareerahooda ku ganacsada iyana la farayo in ay raadsadaan meelo ku haboon ganacsigooda, sidoo kalena wuxuu taliyaha amar ku bixiyay in aan gudaha Suuqa Bakaaraha hub lagu dhexqaadan karin.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa amarkan soo saaray kadib markii uu maanta Qarax ay ku dhaawacmeen 10 ruux uu ka dhacay Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo dadkaas dhaawacmayna ay 8 ka mid ah ahaayeen dad ku ganacsanayay hareeraha wadadaas.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa uga digay ganacsatada uu amarkaas ku socdo in ay dhego-adeygaan, isagoo carrabka ku dhuftay in ganacsadihii ka dhego adeyga tallaabo laga qaadi doono.

 

Dhanka kalena, Taliyaha Ciidamada ka howlgelya Suuqa Bakaaraha Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa mar uu ka hadlayay dhaqan-xumo laga sheegay Ciidamada Suuqaas ka howlgelaya waxaa uu sheegay in waxa Ciidamada loo diray ay yihiin Hub iyo Waxyaabo qarxa, isla markaana aysan jirin wax kale oo ay dadka ka qaadi karaan, “Askarigii ku kaca  dhaqan-xumo noo soo gudbiya, tallaabo ayaa laga qaadayaa, waxaana la marsiin doonaa maxkamad ciidan”ayuu yiri Col. Dhuumaal oo ganacsatada Suuqa Bakaaraha ugu baaqay in ay Ciidamada Nabadgelyada sugaya la shaqeeyaan.

 

SI kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa seddexdii maalmood ee aynu ka soo gudubnay wuxuu ahaa mid xasiloon kadib markii uu 18 maalmood Suuqaas ahaa mid xasarado ka taagan yihiin oo aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah jirin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).