8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay baareyso qaabka ay Hay’adda WFP raashinka u keento Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 25, 2007(HOL):  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku heyso qorshe ay ku baareyso qaabka ay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ay raashinka u geyso Soomaaliya.

 

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/qaadir Nuur Carraale oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in Hay’adda WFP ay tahay tan ugu badan ee raashinka keenta Dalka Soomaaliya, sababtaas darteed ayuuna sheegay in ay u eegaan qaabka ay Hay’addaas raashinka mucaawinada ah u keento Soomaaliya.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay hubinayaan waxa ka jira eedeymo Hay’adda horay loogu soo jeediyay oo sheegayay in ay raashinka mucaawinada ah keento xiliga ay beeraleyda goostaan dalagyadii ay beerteen, taasi oo keenta in ay tacabka Beeraha ka niyad-jabaan Beeraleyda.

 

Dr. Carraale waxaa uu sheegay in ay horay isu arkeen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’addaas, gaar ahaan kuwa ka howlgala Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka doodeen in  ay Raashinka Mucaawinada ah keenaan marka ay baahida jirto, isla markaana aysan keenin xiliga uu Beeraleyda u soo go’ayo Dalaggii ay beerteen.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa Hay’adda WFP horay ugu eedeeyeen in ay dadka u qeybiso raashin mucaawino ah oo dhacay, kaasi oo ay in muddo ah Bakhaarro ku heysay, isagoo dhowr jeerna ku cel celiyay in ay Hay’adda WFP ay u dhaqmeyso in aysan Soomaaliya Dowlad ka jirin oo kale.

 

Mas’uuliyiin  u hadlay Hay’adda WFP oo wax laga weydiiyay eedeyntaas ayaa sheegay in warka Wasiirka uu yahay mid aaney waxba ka jirin, isla markaana raashinka ay qeybiyaan uu yahay mid tayadiisa wanaagsan oo aan dhacsaneyn.

 

SI kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda WFP ayaa waxay raashin u qeybisaa dad kumaan kun ah oo ku macluulsan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jira kuwo ay baro-kiciyeen Dagaallada iyo kuwo ay wax-tireen abaaro Dalka ka dhacay, hayeeshee tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Xeebaha Soomaaliyeed ka dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta qafaasha waxaa yaraaday kaalmooyinkii ay Dadka Soomaaliyeed gaarsiin jirtay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).