8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Kenya oo sheegtay in ay qaadeyso cunaqabateyntii Duulimaadyada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 25, 2007(HOL):  Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay qeyb ahaan qaadeyso cunaqabateyntii dhinaca duulista hawada ahayd ee ay sagaal bilood ka hor ku soo rogtay Soomaaliya.

 

Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada ee Kenya Mr. Chris Kutu ayaa sheegay in 1-da bisha Agoosto ee soo socota qeyb ahaan la qaadi doono cunaqabateynta dhinaca duulista ah ee ay Dowladdiisa ku soo rogtay diyaaradihii aadi jiray iyo kuwii ka imaan jiray Soomaaliya.

 

Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii uga imaan jiray dhinaca Soomaaliya bishii November ee sanadkii aynu ka soo gudubnay xiligaasi oo Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay  Nairobi ay sheegtay in kooxo Islaamiyiin ah oo ku sugan Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay weerarro is-miidaamin ah ku qaadaan Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

 

“Waxaa jirta baahi ay Dadka Soomaaliyeed u qabaan in ay kula xiriiraan Caalamka intiisa kale, waxaana hadda isku dayeynaa in aan taas u fududeyno”ayuu yiri Mutia Mwandikwa oo ah Afhayeen u hadlay Waaxda Duulista Hawada Kenya.

 

Tan iyo markii ay Dowladda Kenya joojisay Duulimaadyadii dhinaca Soomaaliya uga imaan jiray ayaa waxaa jiray dad badan oo dhinaca Dhulka ka galay Dalka Kenya, inkastoo iyadana ammaanka Xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay ka awood roonaadeen Xoogagga Maxkamadihii Islaamka.

 

Soomaaliya ayaa ahayd mid fowdo ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Hoggaamiye kooxeedyo is-biirsaday ay xukunka ka tuureen Dowladdii Dalka ka  jirtay ka hor sanadkii 1991-kii, kuwaasi oo iyana isaga soo horjeestay sababo la xiriira difaacidda danaha Qabiilkooda, inkastoo haatan ay dalka ka jirto Dowlad Federaalka oo dooneysa in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).