8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Bannaanbax lagu taageerayay Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco,
July 25, 2007(HOL): Bannaanbax balaaran oo lagu taageerayo shirweynaha dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa Galabta ka dhacay Garoonka Conis Stadium ee degmada C/casiis.

 

Isu soo baxaasi oo uu soo agaasimay maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka soo qeyb galay kumanaan ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degaanada ku dhowdhow, waxayna dadkaasi wateen boorar lagu taageerayo shirka Qaran, dharka hidaha iyo dhaqanka, iyagoo ku dhawaaqayay.

 

Waxaa garoonka fantasye iyo gaada-ka-ciyaar loo bogay ku soo bandhigay ciidamada Booliska, kooxda Baandeyda Booliska, 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir oo degmo waliba calankeeda ku martay, waxaa kaloo wacadaro ka dhigay barbaarta gaashaaman iyo dhalinyarada ubaxa.

 

Inta badan dadkii ka soo qeyb galay isu soo baxa lagu taageeray shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran waxay siteen funaanado ay ku xardhan tahay calaamada guddiga shirweynaha, waxaana Garoonka lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo qaarkood ay ka qeyb qaateen madaxda sare ee gobolka Banaadir oo uu horkacayo guddoomiyaha ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dadkii isu soo baxay u sheegay in bannaanbaxa lagu taageeray shirweynaha dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna sii raaciyay in gobolka Banaadir uu yahay gogosha umadda Soomaaliyeed, si buuxdana u taageersan yahay shirka dib u heshiisiinta, isagoo kuwa carqaladaha wada ee xabaddaha tuura ugu yeeray inay joojiyaan qaska oo ay yimaadaan shirka dib u heshiisiinta.

 

“Gobolka Banaadir wuxuu muujiyay inuu taageersan yahay shirka dib u heshiisiinta, 17-ka Gobol ee kalena waa inay ku daydaan” ayuu yiri Maxamed Dheere oo sii raaciyay in Gobolka Banaadir uu yahay nabad, isagoo ku celceliyay ereygaasi. “Dowladda ha guuleysato, shirka qaran ha guuleysto….” ayuu ku celceliyay Maxamed Dheere.

 

Guddoomiyaha shirweynaha dib u heshiisiinta Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa isna khudbad uu ka jeediyay bannaanbaxaasi ku sheegay in shirweynaha dib u heshiisiinta Qaranka uu meel fiican marayo si habsami lehna u socdo maalintii 6-aad.

 

Cali Mahdi wuxuu intaasi sii raaciyay in shirku guuleysan doono, lana doonayo in lagu xaliyo dhibaatooyinka 17 sano jirsaday ee umadda Soomaaliyeed dhex yaalla, wuxuuna intaas ku daray mahadcalin uu u jeediyay maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweynaha faraha badan ee Gobolka Banaadir oo muujiyay taageerada ay u hayaan shirweynaha dib u heshiisiinta.

 

Bannaanbaxa ayaa ku soo gabagaboobay jawi nabadeed oo qiiro leh, iyadoo dadkii ka soo qeyb galay ay ku laabteen degmooyinkii ay ka kala yimaadeen oo gaadiid loogu talogalay uu goobta ka qaaday.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).