8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Hay’adda LIFE & PEACE oo Haween ka socday 8 Gobol oo Soomaali ah tababar ugu soo gebagebeysay magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco,
July 25, 2007(HOL): Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah oo maanta la soo xiray ayaa  waxaa soo geba gebeeyey  agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Iyo Arimaha Qoska Jamiilo Siciid Muuse, iyadoo sidoo kalena ay xafladda xiritaanka siminaarkaas ay ka soo qeybgaleen Xildhibaano Haween ah.

 

Tababarkan maanta la soo geba-gebeeyey maanta ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaayey illaa 80-haween oo ka kala yimid sideed gobol oo kala ah Bay, Bakool, Gedo, Sh/hoose, Sh/Dhexe, J/hoose,J/Dhexe iyo Banaadir.

 

Tababarkan ayaa waxaa uu ku saleysnaa sare u qaadida aqoonta haweenka khilaaf xalinta, nabadeynta iyo weliba doorka ay ku leeyihiin haweenka dib-uheshiisiinta dalka.

 

Haweenkan  oo ka kala yimid gobollo ka mid ah gobollada dalka ayaa kulankooda  waxay  iska dhex doorteen 8 xubnood oo gobolkiiba gabar laga soo xula,  8daas Xubnood ayaa iyana iska soo dhex dooranaya Guddoomiye iyo labo ku xigeen si markaasi haweenka 8-daas gobol isaga warqabaan ayadoo halkaasna   Urur haweenkaas ay leeyihiin oo cusub  oo lagu magacaabo Ururka  Isku xirka Haweenka Soomaaliyeed uga dhawaaqay.

 

Seminaarkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Dallada Horumarinta

Haweenka Gobolka Bay. waxaana wargelinta iyo daruus-bixintaba iska lahaa Hayadda  LIFE& Peace, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo Hay’adda Life And Peace ay bixiso tababarro noocan oo kale ah.

Abshir Maxamed nur (Mandela)

Abshir_39@hotmail.com

Baydhabo Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).