8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Seddex ruux oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Xaafadda Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 24, 2007(HOL):  Seddex ruux oo ay ku jirtay Haweeney Uur leh ayaa geeriyooday, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu qarax ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxaas ayaa wuxuu ka dhashay Bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo ay kooxo dhalinyaro ku tuureen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu Qaraxa ka dhacay. Sidoo kalena rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Dowladda Federaalka ayaan iyadana la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

 

Maalintii Axadda ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa Isgoyska Baar Ubax ka dhacay ila seddex oo mid ka mid ah ay ku dhinteen labo ruux, halka ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah, iyadoo qaraxyadaas is-daba joogga ahna ay dadka deegaankaas ku abuureen wel wel aad u faro badan.

 

Dhanka kalena Suuqa Bakaaraha oo muddo 18 maalmood ah aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ayaa maalintii seddexaad wuxuu maanta ku jiraa xaalad deganaan ah, waxaana dib u bilowday howlihii ganacsiga.

 

Deganaanta Suuqa ka jirta ayaa waxay timid kadib markii ay kulan isugu yimaadeen Guddiga Ammaanka Qaranka, Guddi ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo gunaanadkii kulankooda soo saaray go’aanno ay ka mid ahaayeen in Suuqa dib loo howlgeliyo, isla markaana  Ciidamo tiro badan oo Suuqaas ku jiray laga saaro, marka laga reebo Ciidamo Boolis ah oo howlo baaris ah Suuqa ka sameyn doona, iyadoo ay kaalmeynayaan Xubno ka socda Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

 

Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in xaaladda Suuqa Bakaaraha ay degan tahay, isla markaana ay dib u blowdeen howlihii ganacsiga, isagoo intaas ku sii daray in ay ku dadaali doonaan sidii Suuqaas uu u ahaan lahaa mid ka caagan fowdada iyo xasilooni la’aanta.

 

Cabaas Maxamed Ducaale ayaa wuxuu ka hadlayay shir ay maanta Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Saldhiga Booliska Degmada Howl-wadaag, kaasi oo ay labada dhinac warbixinno ku kala qaadanayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).