
Talaado,
Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa sheegay in falkii lagul kacay dadkii dhaawaca ahaa ee ku jiray Isbitaalka Shifo uu ahaa mid ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, Xeerarka Caalamiga ee la isla aqoonsan yahay iyo weliba Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.
Inj. Suudaan Cali Axmed waxaa uu sheegay in aaney Xeerarka Caalamiga ah dhigeynin in Dad dhaawac ah Isbitaal lagala baxo, xitaa haddii Dadka dhaawaca ah ay yihiin kuwo dagaal ku jiray markii ay dhaawacmayeen, “Ciidamada marka ay qabtaan Dad dhaawac ah oo dagaal kala soo horjeeday waxaa laga rabaa in ay Isbitaal geeyaan oo ay daweeyaan ee ma ahan in ay dhameystiraan ama ay si xun ula dhaqmaan”ayuu yiri Inj. Suudaan Cali Axmed.
Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Suudaan Cali Axmed wuxuu sidoo kale baaq u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu baaqay in ay xabsiyada ka sii deyso dadka aan dembiyada lahayn ee u xiran, isla markaana kuwa dembiyada leh ay si caddaalad ah u xukunto.
Sidoo kalena, Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyadana u soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeda in ay ka shaqeeyaan horumarinta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay ka fogaadaan in ay sameeyaan wax lid ku ah Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha.
“Jidadka waxaa yaala calaamado dhiig ah oo laga daadiyay dad rayid ah oo aan waba galabsan, una eg kuwo sii socon doona, maadaama aan la isu dabagelin fal dembiyeedyada la geysto. Soomaaliya marka aad maqasho waxaad xusuusaneysaa dil, caruur la xasuuqo, dagaallo abaabulan, qaraxyo, faro-xumeyn dhac, barakicin iyo af-duub loo geysto dhamaan shacabka Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan iyo howl-wadaneenada Ururrada Samafalka caalamiga ah, intaas oo fal dembiyeedyo is-biirsaday ah ayaa isku duubkoodu ka dhigayaa Soomaaliya meel masiibada Xuquuqda Aadanaha ka taagan tahay”sidaasi waxaa tiri Maryan Xuseen Awreeye oo ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






