Isniin,
Xiliga oo habeen ahaa iyo magaalada oo bandow ku jirta darteed ayaaney suurtagelin in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray labada dhinac ee is-rasaaseynta dhexmartay.
Qaraxyadii xalay ka dhacay Isgoyska Howl-Wadaag ayaa waxay daba-socdeen Qaraxyo dhowr ah oo shalay ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaana agagaaraha Baar Ubax, Warshaddii Caanaha iyo SOS, iyadoo qaraxyadaasina ay isugu jireen miino loo dhigay Baabuur ay wateen Ciidamada Itoobiya iyo weliba Bambo Gacmeedyo lagu tuuray Ciidamada Boolska Soomaaliyeed.
Dhanka kalena, Suuqa Bakaaraha oo mudo 18 maalmood ah aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin ayaa laga saaray Ciidamadii Mileteriga iyo kuwii Gobolka Banaadir ee maalmihii tegay ku sugnaa, iyadoo taasina ay keentay in ay Dadkii ganacsatada ahaa dib u bilaabaan howlahoodii ganacsiga.
Tallaabada Ciidamada looga saaray Suuqa Bakaaraha ayaa waxay timid kadib markii ay kulan isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo isla gartay in ganacsigii Suuqa dib loo bilaabo, isla markaana Ciidamada Mileteriga iyo kuwa Gobolka Banaadir laga saaro, iyadoo ganacsatadana la saaray waajib ah in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska.
Suuqa Bakaaraha waxaa haatan ku harsan Ciidamo Boolis ah oo baaris iyo Amni sugid sameynaya, iyadoo ay is-kaashanayaan Guddi ay Ganacsatada Suuqa iska soo xuleen, kaasi oo Ciidamada u sahli doona in ay si dhib la’aan ah u baaraan goobaha ay uga shakiyaan in hub lagu qariyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






