Isniin, July 23, 2007(HOL): Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan oo ahaa Afhayeenkii Siyaasadda Beelaha Hawiye ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sii daayay Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, kaasi oo ahaa in Ciidamo lagu soo daayay Suuqa Bakaaraha ay wataan seddex nin oo isku Beel ah, isagoo intaasna ku sii daray in haddii aan raggaas wax laga qaban loo noqon doono xiligii ay dagallada sokeeye Xamar ka socdeen ee sanadkii 1991-kii.
C/llaahi Shiikh Xasan waxaa u sheegay in uu aad uga xun yahay in sida uu u yiri Abshir Bacadle oo mar ah Abwaan Soomaaliyeed, mar Ganacsade ah, marna Wadaad ah uu ku dhawaaqo in lagu noqonayo xiligii 1991-kii, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hadalkaas uu ahaa mid laga wanaagsanaa.
“Abshir Bacadle haddii uu u xiisay Guubaabintii Qabiilka iyo wixii uu Joornaallada ku qori jiray waxaa loo doonayaa MMJ oo ay joornaallada isku weydaarsan jireen hadalladaas oo kale”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.
C/llaahi Shiikh Xasan oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in aaney jirin cid qori wax ku qabsan karta, isla markaana Suuqa Bakaaraha dadka ka barakicin karta, “Dhowr iyo tobankii sano ee laga soo gudbay Suuqa Bakaaraha waa uu furnaa mana jirin cid si gaar ah looga barakiciyay”ayuu mar kale yiri C/llaahi Shiikh Xasan oo sheegay in uusan jirin qabiil si gaar ah uga howlgeli kara Suuqa Bakaaraha, isagoo xusay in Suuqaas uu yahay mid u dhaxeeya Dadka Soomaaliyeed oo dhan.
C/llaahi Shiikh waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatada maalmihii tegay ka taagneyd Suuqa Bakaaraha, wuxuuna ku baaqay in dhinacyada ay khuseyso arrinta Suuqa Bakaaraha ay ka wada shaqeeyaan sidii uu Suuqaas ugu soo laaban lahaa sidii uu ahaan jiray.
Siyaasiyiga C/llaahi Shiikh Xasan ayaa wuxuu ka mid ahaa Golaha Midnimada iyo Dhaqanka iyo Beelaha Hawiye, hayeeshee dhawaan ayuu golahaas isaga baxay kadib markii xubnaha Golahaas ay isku qabteen in la qabto shir lagu mideynayo beelaha Hawiye iyo in Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed laga qeybgalo.
Abshir Bacadle ayaa Jimcihii aynu ka soo gudubnay wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha ay qeyb lixaad leh ku leeyihiin Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere, C/qaadir Beebe iyo Dhagaxtuur oo hal Jufo ka soo wada jeeda, isagoo caddeeyay in aan ganacsatada lagu eedeyn karin in ay sameeyaan Qaraxyada lagu weeraro Ciidamada Dowladda.
“Nimankaas hubkii Dalku lahaa iyaga ayuu gacanta ugu jiraa haddii aanan la soo faragelin waxyaabaha ay sameynayaana arrinta waxay u socotaa sida Hutu iyo Tutsi”ayuu mar kale yiri Abshir Bacadle oo intaas ku sii daray in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago in ay Dadka Soomaaliyeed kala guuraan, isla markaana uu Reer kasta Suuq gaar ah sameysto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






