Isniin, July 23, 2007(HOL): Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15-kii bishan ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu galay maalintii shanaad, iyadoo ay ka qeybgelayaan ergooyin tiradooda kor u dhaafeyso 1000 ergay, kuwaasi oo ka socda Beelaha Soomaaliyeed.
Ergooyinka shirka ka qeybgelaya ayaa Khamiistii aynu ka soo gudubnay waxaa loo qeybiyay Ajendayaal ay ka doodi doonaan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xalinta Khilaafaadka Beelaha, Nabadda iyo Hub iska dhigidda, Hanti Isu celinta, Dowlad-Wanaagga iyo Dimoqraadiyadda, Tirakoobka Dadka, Abuurista Axsaab Siyaasadeed, Midnimada Dalka, Qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka, Xag-jirnimada Diimeed,iyo kuwo kale
Maalintii shalay ahayd ayay Ergooyinka Doodo ka yeesheen qodobka ku saabsan Xalinta Khilaafaadka Beelaha, iyadoo ay fikirkooda dhiibteen xubno ka socday Beelaha Hawiye, Dir iyo Beesha Shanaad, halka ay Beelaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle ay iyaguna maanta qodobkaas fikirkooda ka dhiiban doonaan.
Inkastoo Shirka Dib u heshiisiinta uu galay maalintii shanaad ayaa waxaa ka biyo diiday Qaar ka mid ah Odyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee horay uga tirsanaan jiray Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo diidmadooda sabab uga dhigay in aan shirka siyaasad looga hadleynin iyo in ay weli ku jiraan Soomaaliya Ciidamada Itoobiya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa wejigiisa koowaad looga hadlayaa khilaafaadyada u dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed, halka wejiga labaadna looga hadli doono khilaafaadyada siyaasadeed, waa sida uu sheegay Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






