8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ugu baaqday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad,
July 22, 2007(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub, iyadoo taasina ku sababeysay in uu waqtigii ka dhamaaday Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Xildhibaanadda oo u warameysay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa intaas ku dartay in Baarlamaanka Soomaaliya uu siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi muddo seddex bilood ah, taasi oo ku ekeyd 18-kii Maarso ee aynu ka soo gudubnay.

 

18-kii September 2006 ayay sheegtay Xildhibaanadda in Ra’iisal Wasaare Geeddi la siiyay ogolaasho seddex Bilood ah oo ay Xukuumaddiisa ku shaqeyneyso, iyadoo kadibna ay ahayd in mar kale Baarlamaanka la hor-geeyo, hayeeshee sida ay tiri  taasi ma dhicin.

 

“C/llaahi Yuusuf waxaa laga rabaa in uu Ra’iisal Wasaare cusub soo magacaabo ama xitaa haddii uu doonayo uu sii celiyo midkii hore, sababtoo ah Waqtigii la siiyay Xukuumadda Federaalka waa uu dhamaaday”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.

 

Xildhibaanadda oo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay in ay maqashay sida ay tiri xan ku saabsan in Baarlamaanka fasax la gelinayo, “annnagu taasi ma yeeleyno, sababtoo ah waxaa na hortaala howl badan oo aan Qaranka u heyno”ayay mar kale tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo sheegtay in 22-ka Bisha Agoosto ee soo socota ay Baarlamaanka Soomaaliya ugu buuxsameyso muddo seddex sano ah oo uu jiray.

 

Hadalka Xildhibaanada ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya ay hor-yaalaan labo mooshin oo kala ah dib-u-eegidda howlaha Baarlamaanka iyo weliba la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo maalinta berri ah ay Xildhibaanada ka doodi doonaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).