8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Website ku hadla Codka maamulka gobolka Banaadir oo hawada soo galay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 22, 2007(HOL): Xafiiska Warfaafinta ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu dhawaan howlgeliyay xarumo warfaafineed oo isugu jira Wargeys iyo Bog Internet ah oo lagu kala magacaabo Wargeyska Codka Banaadir iyo bogga gobolkabanaadir.com.

 

Ujeedada howlgelinta aaladahaasi warfaafineed ayaa waxay tahay sidii bulshada ku nool gudaha iyo dibada loo gaarsiin lahaa hadba wixii war ah ama wax qabad ah oo ka dhaca gobolka Banaadir.

 

Bogga http://www.gobolkabanaadir.com ayaa waxaa si rasmi ah uu maalin walba soo gudbiyaa warar xambaarsan dhacdooyinka siyaasadda gobolka, shirka dib u heshiisiinta, wararka kale ee dalka iyo maqaalo.

 

Hadaba waxaa dhamaan aqristayaasha gudaha iyo dibada u balan qaadeynaa in mar kasta ku dadaali doonaa soo gudbinta warar xaqiiqda ku saleysan kuna wajahan sidii dalka iyo dadkuba ay uga gudbi lahaayeen marxaladaha dowlad la’aaneed.

 

Ugu  dambeyn waxaan dhamaan suxufiyiinta, aqoonyahanada, qorayaasha iyo qof kasta oo doonaya inuu fikirkiisa saliimka ah ee wax dhisaya u soo gudbiyo bulshada waxaan ku soo dhoweyneynaa ka qeyb qaadashada howlaha warfaafineed ee maamulka gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka gobolka Banaadir, ahna agaasimaha warfaafinta

Maxamed Muxiyaddiin Cali

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).