8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Burcad Badeed Soomaali ah oo sii deynta Bad-maaxiin Denmark u dhashay ku xiray Lacag madax-furasho ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 22, 2007(HOL): Koox Burcad Badeed Soomaali ah oo heysta Bad-maaxiin u dhashay Dalka Denmark iyo Markab ay wateen ayaa waxay dalbadeen lacag madax-furasho ah oo cadadkeedu gaarayo 1.5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

 

Kooxdan Burcad Badeedka Soomaalida ah ayaa waxay dhawaan ku af-duubteen Xeebaha Soomaaliya Markab laga leeyahay Dalka Denmark oo lagu magacaabo Danica White, kaasi oo markii la af-duubanayay ay saarnaayeen shan shaqaale ah.

 

Markabkan oo ka shiraacday Deked ku taala Magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa markii la qafaalanayay wuxuu ku sii jeeday magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

 

“shalay ayaa nagula soo wargeliyay in Kooxda heysta Markabka Danica White ay dooneyso lacag madax-furasho ah oo dhan 1.5 Milyan”sidaasi waxaa yiri Andrew Mwangura oo Agaasime ka ah Hay’ad Badaha qaabilsan oo laga leeyahay Dalka Kenya.

 

Andrew Mwangura waxaa uu sheegay in xeebaha Soomaaliya lagu heysto seddex Markab oo labo mid ah laga leeyahay Dalka Koofur Kuuriya, halka mid kalena laga leeyahay Dalka Taiwan, iyadoo warar dhawaan soo baxayna ay sheegayeen in Markab ka diiwaangashan dalka Panama la waayay xili uu marayay Xeebaha Soomaaliya.

 

Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha ayaa laga nastay sanadkii 2006 xiligaasi oo Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka, iyadoo xitaa la xusuusto in  Ciidamo ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka ay gacanta ku soo dhigeen kooxo burcad Badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha ku qafaalan jiray Xeebaha Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

 

Hay’adda WFP iyo Hay’adda Badaha Caalamka ee IMO oo labaduba hoos-taga Qaramada Midoobay ayaa dhawaan waxay ka codsadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in tallaabo laga qaado Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, iyadoo Hay’adda WFP ay sheegtay in raashin ay gaarsiin lahayd dad badan oo gudaha Soomaaliya ku macluulsan ay caqabad ku yihiin kooxahaas Burcad Badeedka oo dhowr jeer weeraray Maraakiib raashin siday oo u kireysnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).