8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Maxkamadihii Islaamka oo beeniyay in ay ka dambeeyeen Madaafiicdii dhawaan lagu weeraray Xaafado ku yaala Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 21, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aysan Maxkamadihii Islaamka wax lug ah ku lahayn Madaafiic dhawaan lagu weeraray Xaafado ka mid ah Degmooyinka Shibis iyo C/Casiis ee Magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasina ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in hadafka Maxkamadihii Islaamka uusan ahayn in la dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed, isagoo tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ay ku dhaceen madaafiicdaas, wuxuuna sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatada dadkaas soo gaartay.

 

Laakin Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in inta uu socdo halgan lagu xoreynayo dadka Soomaaliyeed ay dhici karaan dhibaatooyin soo gaara dadka, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u halgamaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen Cadawga ku soo duulay.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in ay dalka Soomaaliya ka jiraan shirqoollo gumeysi oo aysan dadka Soomaaliyeed intiisa badan fahmi karin, “shirqoolladaas waxaa ka mid ah shir ku sheega ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo caalamka loo sheegayo in la qabanayo iyadoo dadka Soomaaliyeed dhibaato loo geysanayo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in Dadka Muqdisho ku dhaqan lagu hayo Dil, barakicin, xabsi iyo cunaqabateyn, iyadoo sida uu yiri laga xiray Suuqyadii ay ku ganacsanayeen ee ay noloshooda ku tiirsaneyd.

 

Mar uu ka hadlayay Shir ay bisha September  ee soo socota ku qaban doonaan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu sheegay in ay shirkaas ka qeybgeli doonaan Ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono Urur u ololeeya sidii dalka Soomaaliya loo xoreyn lahaa.

 

SI kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaafiic loo waday Xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ku dhaceen xaafado ka mid ah Degmooyinka C/Casiis iyo Shibis, halkaasi oo ay ku dhinteen Shan Caruur ah oo seddex ka mid ah ay ahaayeen walaalo ahaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).