8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Xildhibaano lagu bedelay Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Col. Cumar Xaashi Aadan oo maanta lagu dhaariyay Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 21, 2007(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ku shir ku yeeshay Xaruntiisa KMG ah ee Baydhabo, kadib markii ay mudanayaashiisa fasax ku kala maqnaayeen muddo 2 bilood ah.

 

Kulankii maanta oo ay fadhiyeen Xildhibaano tiradoodu gaareyso 143 mudane ayaa waxaa la hor-geeyay labo mooshin oo kala ahaa la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sixidda Howlaha Baarlamaanka.

 

Labadaas Mooshin ayaa markii la hor-geeyay Baarlamaanka wuxuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ka codsaday Mudanayaasha Baarlamaanka in  ka doodista labadaas mooshin dib loo dhigo ilaa Isniinta soo socota, inta mudadaas laga gaarayana ay Xildhibaanada soo aqristaan qoraallada lagu qeexayo labadaas mooshin.

 

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa looga hadlay Xildhibaano in muddo ah ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka, kuwaasi oo muddo 14 maalmood ah loo qabtay in ay ku tagaan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena, waxaa maanta lagu hor-dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka labo mudane oo cusub, kuwaasi oo la sheegay in lagu bedelay  Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Col Cumar Xaashi Aadan, waxayna Xildhibaanadan cusub kala yihiin Cali Shariif Maxamed iyo Maxamed Dhaqane.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maaxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa dhawaan sheegay in uu dhamaaday xiligii uu dalka ku jiray xaaladda deg degta ah, isla markaana hadda wixii ka dambeeya ay bilaaban doonaan kulamadii uu lahaan jiray Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).