8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Muwaadin Mareykan ah oo xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu Soomaaliya ku soo tababartay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 21, 2007(HOL): Muwaadin Mareykan ah ayaa Jimcahii shalay ahayd waxaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dembi ah inuu Al-Qaacida tababar kula soo qaatay dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.

 

Daniel Maldonado oo 28 jir ah ayaa la arkayey isagoo gacmaha iyo dhexda ka katiinadeysan markii uu xukumay qaadi Mareykan ah oo la yiraahdo Gray Miller.

Maldonado ayaa mar sii horeysay waxa uu qirtay inuu tababar ka helay waxa Mareykanka ay ugu yeeraan argagixiso shisheeye.

 

Waxaa uu sheegay inuu u socdaalay Soomaaliyaa sanadkii hore oo uu tababar ka soo helay maxaakiimtii Islaamiga oo iyagu doonayey inuu afgembiyaan dowlada KMG, isagoo sidoo kale gacan ka helay xubno ka tirsan Al-Qaacida. Maldonado waxaa lagu qabtay dalka Kenya bishii January ee sanadkan isagoo markaas isku dayey inuu ka baxsado ciidamadii Ethiopian-ka ee taageerayey dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Waxaa markaas kadib loo gacan geliyey saraakiil Mareykan ah oo ku soo celiyey magaalada Houston ee dalka Mareykanka halkas oo bilooyin uu ku noolaa.

Qareenkii u doodayey Maldonado oo la yiraahdo Brent Newton ayaa codsaday in la yareeyo xukunka isaoo sheegay in Maldonado uu nin diinta Islaamka baranayey laakiin markii dambe la ogaaday inuu tababar la qaadanayey Al-Qaacida.

 

Newton waxa uu yiri “waxaa mudan in la ogaado, Maldonado ma waxa uu doonayey inuu waxyeeleeyo Ameerikaanka mise maya,”.

Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Gary Cobe ayaa sheegay in kiiskan uu dirayo fariin ah in dadka aysan ku lug yeelan argagixiso ama ayan tababar la qaadan argagixisada.

 

Maldonado, oo ku soo barbaaray magaalada New Hampshire, soona galay diinta Islaamka dhowaan, ayaa waxa uu la oo safray xaaskiisa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay iyagoo ka tagay Houston soo aaday dalka Masar sanadkii 2005, ka dib waxa uu deetana soo aaday dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).