10 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddoomiyihii Waaxda koowaad ee Degmada Hodan oo Xalay la dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 21, 2007(HOL): Mas’uul ka tirsanaa maamulka Degmada Hodan ayaa habeenkii xalay ahaa lagu toogtay Xaafadda Siigaale ee isla Degmadaas, iyadoo dilkiisana ay ka dambeyeen kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan.

 

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Xuseen ayaa wuxuu ahaa Guddoomiyihii Waaxda koowaad ee Degmada Hodan, wuxuuna marka la dilayay ku sugnaa goob ganacsi oo ku taala xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan.

 

Kooxihii dilay marxuumka ayaa la sheegay in ay baxsadeen kadib markii ay rasaas gaareysa 8 xabo ay ku dhufteen marxuumka oo ku naf baxay gudaha goobta ganacsi ee uu ku jiray.

 

Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay Muqdisho loogu dilay, waxaana mas’uuliyiintaas la dilay ka mid ahaa guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-wadaag iyo Shibis, iyadoo Guddoomiyihii Degmada Boondheere uu isna haatan Isbitaal u jiifo dhaawac ay kooxo hubeysan u geysteen.

 

Dilalka loo geysanayo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo kale oo iyana lala beegsado dad rayid ah ayaa waxay muujinayaan in aanu ammaanka Magaalada Muqdisho hagaagsaneyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Magaalada Muqdisho joogaan Ciidamo tiro badan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka amar qaata.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ka hadlay dilalka loo geysanayo mas’uuliyiinta maamulkiisa ka tirsan ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Degmooyinka Gobolka in ay ilaalo  kaxeystaan Saldhigyada Booliska ee Degmooyinkooda ku yaala, hayeeshee waxaad mooddaa in mas’uuliyiintaas la weerarayo xitaa iyagoo ilaalo watay sida dhacday markii la dhaawacayay Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/kariin Maxamuud Xuuti, kaasi oo inta aan la dhaawicin ka hor la toogtay Askari Boolis ah oo ilaalo u ahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).