10 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaraxyo xiriir ah oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti,
July 21, 2007(HOL): Ilaa shan Qarax oo xiriir ah ayaa maanta waxay ka dhaceen Suuqa Bakaaraha oo maalintii 17aad aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, iyadoo qaraxyadaasina lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladd Federaalka oo gudaha Suuqaas ku sugan.

 

Seddex Qarax ayaa waxay ka dhaceen wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, halka labo Qarax oo kalena ay ka dhaceen gudaha Suuqaas, waxayna dad goob-joogayaal ah sheegeen in ay qaraxyadaas geysteen dhimashada labo ruux iyo dhaawaca dad kale oo intaas ka badan.

 

Ciidamo tiro badan ayaa ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha oo la sheego in ay gudaha Suuqaas ka wadaan howlgallo ay hub iyo waxyaabo qarxa ku uruurinayaan, iyadoo taasina ay keentay in  dad badan oo qanacsato ah ay u suurtageli weyso in ay furtaan goobahooda ganacsi.

 

Markii ay Qaraxyadaas dhaceen kadib ayaa waxaa la maqlayay  rasaas ay ridayeen Ciidamadii Dowladda Federaalka ee Qaraxa lala beegsaday, taasi oo ku kaliftay dad yar oo gudaha Suuqa ku sugnaa in ay guryahooda iska aadaan, isla markaana Suuqa isaga baxaan.

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ka cabanayaan Ciidamo tiro badan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Suuqaas, iyagoo sheegay in ay Ciidamadaas u diidaan in ay goobahooda ganacsi tagaan, ayna dib u furtaan.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha, isagoo haddii aan dhibaatadaas wax laga qabanna sheegay in Suuqa  uu noqon doono meel lagu kala guuray.

 

Ugu dambeyntiina, Dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha ayaa waxay keentay in qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqaas ay u guuraan Suuqyada Siinaay, Suuq Bacaad iyo Xamar-weyne, sidoo kalena ay cabasho dhinaca sicir-bararka ah ka timaado dadka ku nool Gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Bay, kuwaasi oo ganacsi ahaan ku xirnaa Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).